TABTAASAY INOO AHAANAYSAA (Idinku Taliya Ma Ogola’aan Wada Tashano Ma Ogola’aan Kala Tashanona Ma Ogola

0
Runtii ilaa hadda ma muuqdo marka aynu ognahay bisayl la’aanta garaadka siyaasadda ee guud ahaan

YAAB! Fursad kasta oo doorasho  ay ku qabsoomi lahaydba Doorasho-diidku way dileen halka ay maanta maraysana fursadda in haba yaraato eh doorasho xor iyo xalaal ihi ay Somaliland ka dhici kartaa kama badan karto 10% halka 90% ay u badan tahay in aanay ka dhici karin wax doorasho ihi dalka iska daa 2015/16ka eh xataa 2017ka. 2018ka ayaan lagu kalsoonaan karin laftiisa in xukuumadda Madaxwayne Silanyo ay diyaar u tahay doorasho xor iyo xalaal ah. Marka ay sidaa tahay waa hubaal in la dilay xalkii doorashada oo weliba gacanta Madaxwaynaha Axmed Silanyo  lagu dilay. Hadaba, hadii uu dhintay xalkii doorashadu waxa is waydiin leh ma jiri karaa xal kale oon doorasho ahayn oo laga fakari karaa?

Runtii ilaa hadda

ma muuqdo marka aynu ognahay bisayl la’aanta garaadka siyaasadda ee guud ahaan shicibka dhoohan ee Somaliland iyo tamar yaraanta xisbiyada mucaaridka ah dabcan xukuumadda inta ka talisaana way hawaysan karaan inay sidaa iyagu kelligood taladii hogaaminta qaranka ku wada maroorsan karaan hakay iyagu doonaana ay kala dhici karaan oy XADHIG IYO XABAD ku muquunin karaan cid kasta oo isku dayda in ay rabitaan kooda ka hor timaado. Waxay guul u arkaan oo dabcan iyaga u ah Guurti muddo xileedkeedii quufla dhamaaday oo xataa aan ka soo gudbin ee weli ku sii hadhsan marxaladii kala guurka ee qarankani wakhti hore ka soo gudbay, iyo wakiillo muddo xuleedkoodi dhamaaday oo dhawr iyo toban sanadood iska fadhiya hadana iska sii fadhiya, iyo Madaxwayne isagana muddo xikeedk kiisi dhamaatay oo ku qasban inu cid gaar ah danaheeda u joogo oo hadba warqad laga saxeexdo waxna aanu hogaamin. 

Waxa intaa dheer dimuqraadiyadii iyo doorashooyinkii oo gabal baasi u dumo iyo madax banaanidii saxaafadda iyo xoriyatul qawlkii iyo weliba xuquuqal aadmigii oo iyaguna afka wada goosta.

 

Ayaan darada jirta waar bal idinkaa dawlad ahe inoo taliya oo xal keena ma ogola. Hadaba dalku wuu inaga dhexeeyaaye aan ka wada tashano marxaladdan adag uu marayo iyadana ma ogola. Dee hadaa aan kala tashano eh nabadgelyo lafteedana ma ogola. Xaalkoodu markaa saw maaha tab taasay inoo ahaanaysaa ilaa wax waliba isku dhalaalo wax Somaliland la yidhaana uu  wujuudka ka  tirtiro lakiin iyaga mid walba dhiisha buuxsado oo ka urursanayo inta  ugu badan uu ka  urursan karo oo wada milyan-dheer noqonayaan inta ugu dhaw ee ku xeeran madaxwaynuhu bal inta kale ee Somaliland oo dhamina ay dambaska yihiin.

 

Ugu dambaystii hadii doorashadu ay xal ahayd xalkiina sidaa loo dilay rejedii ugu dambaysayna ay tahay taa indhaheena oo shan ah uu Saleebaan Gaal ku kala tegay sida muuqatana xal badiil ah oo kale oo muuqdaana aanu jirin waxa aynu ka filanaa saw xal la’aantii doorasho diidka ee inta badan ee hore aan ka digay uun maaha. Khasaaraha xal la’aantu ay Somaliland gaadhsiin karto cid qiyaasi karta maanta ma jirto.

 

CALIGUREY