Dhagarqabihii Morgan ee Xasuuqay Shacbigeena in Magaciisii la Huwiyo Muwaadin Somalilander ahi waxay Ceeb iyo Nusqaan ku tahay Qarankeena Iyo Dadnimada Ummadeena!

0

Asalaamu Calaykum, Ma aha oo kaliya in Arrintani ay Ceeb ku tahay Dadnimadeena, Qaranimadeena, Sharafteena iyo Halgankeenii SNM, balse waxay bahdillaad iyo Nusqaan ku tahay Taarikhda Ummadeena waana Yaraysi iyo Dhayalsi bahdilaad ah oo lagula kacayo Eheladii iyo Dadkii uu Xasuuqay Dhagarqabihii Maxamed Siciid Morgan marka Muwaadin Somalilander ah oo aan wax danbi ah ka galin Dadkiisa iyo Dalkiisa Lagu dhereriyo ama la garab dhigo dhagarqabihii Fulaha ahaa ee Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo Ka qayb qaatay xasuuqii Kumanaan Kun oo Qof oo Reer Somaliland ah.

Iyada oo beryahan danbe ay soo baxayeen oo aan marar kala duwana aan ka akhriyay Laamaha Warbaahinta Qaarkood in dad tiro yar oo aan Xilkas ahayni ay si Anshaxa ka baxsan oo Damiirka

iyo Dadnimada iyo Akhlaaqda suubanba ka fog u duraya Muwaadinka Reer Somaliland ahna Danjiraheena Cusub ee Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Amb. Baashe Cawil Cumar iyaga oo ku duraya ama ku maagaya Xididnimada ama Qoysnimada uu Allah kala dhigay Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xididnimadaas oo ahayd mid soo jirtay kana Horreysay inta aan Madaxweyne Siilaanyo Xilka Madaxnimo ee Dalka loo dooran, Waana Xidinimo gobonimo iyo Sharaf ku salayaysan oo la mid ah Xididnimo Kasta oo dhex marta dad ehel ah oo uu guur dhex maro.

Ku Naanaysid ama ugu yeedhid magacii Dhagarqabe Morgan loogu yeedho Muwaadin Somalilander ah oo aan Dhiig iyo Dhagar midna ka gelin shacbigiisa ayaa waxay Nusqaan ku tahay Karaamada iyo Taariikhdeena Ummadnimo, waxaanay dhaawac damqaya ku tahay Eheladii iyo Qaraabadii Dadkooda ay xasuuqeen Morgan iyo Xukuumadii dhagarta qabtay ee uu hogaaminayay keligii Taliyihii Haligmay ee Maxamed Siyaad Barre, waxay murugo gelinaysaa Hooyooyinkii ay Asayda iyo Hengefta u xidheen Maxamed Siciid Moorgan iyo Taliskiisii, waxay dareenkooda cadho gelinaysaa Kumanaan qof oo Reer Somaliland ah oo arkaya sida loo khafiifinayo Magacii Morgan ee dhagarta ku suntanaa marka lagu naanaysayo ama loogu yeedhayo ee lagala mid dhigayo Muwaadin Baashe Cawil Cumar oo aan wax danbi ah gelin oo Dalkiisa Hooyo u shaqaynaya, waxa keliya ee lagu eryanayaana ay tahay inuu Allah xidid kala dhigay Qoyska Madaxweynaheena.

Maqalka Magaca Morgan ayay wehelisaa Nuxuus Murugo Madow xanbaarsan iyo maalmo qadhaadh oo ku soo dhaca Maskaxda Muwaadin kasta oo goobjoog ka ahaa Sanadihii Sedeetamaadkii ee ay Morgan iyo Taliskii Muqdisho ka talinayeen Dalkeena. Xadhiga, Dilka, Barokicinta iyo Burburkii baaxada lahaa iyo Xasuuqii Naxariista darnaa ayuu ku lammaan yahay magaca Morgan, waana mid sharaf dhac iyo Damiir xumo ku ah qof kasta oo Magacaas dhagarta Huwan ku tilmaama Muwaadin Somalilander ah oo aan wax denbi ah ka gelin Dadkiisa iyo Dalkiisa.

Waxaan usoo jeedinayaa Muwaadiniinta Reer Somaliland iyo Saxaafadeenaba inay ka fogaadaan in Dhagarqabihii Morgan ee Shacbigeena Xasuuqa u geystay laga Farxiyo, lagana dhigo Nin aan Dembi gelin marka lagala magac dhigayo Muwaadin aan Dembi gelin oo u shaqaynaya Qarankiisa Habeen iyo Maalinba, xaqna u leh wax kasta oo uu Muwaadin kasta oo Reer Somaliland ahi uu Xaq u Leeyahay oo ay ka mid tahay in uu Xil Qaran Qaban karo, wax dooran karo oo la dooran karo, Waxaana lagama maarmaan ah inaynu noqono Ummad dhaliilahooda Xad u yeesha oo aan isu bahdilin si lafo-jab ah.

Ugu danbayn Waxaan usoo jeedinayaa Mucaarid iyo Muxaafidba in laga fogaado wixii Nusqaan ku keenaya Qaranimadeena iyo Dadnimadeena ee ay ka mid tahay Gambadh isku fuulka iyo Cayda aan Tudhaalaha lahayn ee lafojabka ah ee Warbaahinta la isu marinayo, waxaana Muhiim ah in Mucaarid iyo Muxaafidba loo tudho dhegaha Shacbiga oo aynu ka gudubno Cayda, Bahdilaada iyo Rifida aynu is rifayno ee caadada noqotay ee lagu tartamayo Hebel baan caayay iyo Hebel baan u jawaabay, taasoo Nusqaan ku ah Ummadnimadeena, Sharfteena iyo Ilbaxnimadeena.

Waad Mahadsan Tihiin

Amb. Kaysar Cabdillaahi Maxamed