Heer-Kaa Markii Ay Gaadheen Kana Dhabeeyeen In Ay Dul Istaaggaan Dayaxa!…W/Q Hamze Hassan Gurre(Hgurre)

0
Balse hadii aad samir kaaashato adiga oo rabba in aad yoolkaagga ka dhabayso,Waxa aad laasimaysaa ka jibbo keenideedda oo dhabba

Noloshu waa hiigsi, Qof walba oo aduunka korkiisa ku uumman waxa uu leeyahay, Hami iyo qami, Kaas oo ah qaabka noloshu u alloosanto,  Hadii aad leedahay yool fog rabtanna in aad ka midho dhaliso ku dhaqaaq,Waxa aad ogaataa in aad maalin uun gaadhi doonto deggina doonta gurri rays oo aad rabto in aad mustaqbaalkaaga ku negayso,Laga yaabba inta aad ku jirto howl-galka in ay kula soo gudboonadaan  caqabbaddo badan kuguna adkaato in aad ka gudubto, Balse hadii aad samir kaaashato adiga oo rabba in aad yoolkaagga ka dhabayso,Waxa aad laasimaysaa ka jibbo keenideedda oo dhabba, Wakhtigu wuu is-riixayaa is garbinayaa maalintii la noolyeyba waa u dulundulcoonnayaa soonna gurmayaa, Qof kasta

oo aduunka kor kiisa ku nool waxa alle siiyey, Caqli,Garasho, Maan,Xoog,Awood,Tamar,Himillo, Shaqsi kasta oo aduunka korkiisa waxa ku  dahsoon awood gaar ahaaneed iyo hibbo, Hadii aad awoodaasi adeegtasato iskuna taxalujiso in aad ibbo-furkeedda lingaxa ka jarto,Waa hubaal in aad gacanta ku haabbata kuna haleesha,Furfur maskaxdaa garaadkaagana maal oo masaariifso caqliga alle ku siiyey, Kagga feker waxii quman ee yeellan kara aayo wanaagsan, Ha seetayn hanna dabrin fekerkaagga maskaxeed god’li oo yaanu kaa gaaggixin,Dhiiro oo isku day, Wax walba waad awoodda in aad ku dhaqaado guulna ka gaadho, Aduunyadu waa hirar kala horeeya oo kala heer mudan, la jaan qaad la talaabso lana guclee, Ha iska reebbin qayrkaa waad ka dheerayn karta waannad ka hor gaadhi karta guusha aad ku naaloonayso, Waxa ay ku xidhantay ama kaa xigta keliya inta aad ku dhaqaaqayso,U feker si shaqsiyanna kuna xigsii si guud, Dhabadda u xaadh fekerka  maskaxddaada ka guuxaaya , Ha gudhinin fekerkaagga hana ka dhigin wax la’aan iyo waxba yahay,  Tusaale u soo qaaddo!, Waxa aad maqasha dhegaysataa oo dhugataa goor kasta iyo markasta, In Reer galbeedku yihiin dad leh mab’da horu-socod, Waxa ay baarka ka jareen kuna dul leexaystaa hawada sare iyo hirka hir u sareeya, hadii aad wax akhriddo ama tahay qof quuta akhriska iyo qoraalka ogaal baad u tahay wax badan,In reer galbeed ay gaadheen dayaxa dushiisa gaadhitaankoodda ka dib’na isku dayeen in ay biyo ka hir’geshaan ama ka heli karraan,Taasi waxa ay cadayn u tahay, Rabbitaankoodda nolosha duleed ee hawada iyo cirKa, Heer-kaa markii ay gaadheen kana dhabeeyeen in ay dul istaaggaan dayaxa, Waxa ay tallo ku goosteen in ka raadiyaan daruuuraadkii dheeraadka ahaa iyo nolol, Ma ogtahay in aan Alle siinnin awood dheeraad ah, Balse ay yihiin dad yeeshay go’aan ku qotomma  u meel dayidda nolosha,Kuna gaadheen aqoon iyo dhiiri gelin ay iyagga dhexdoodda iska kaashadeen oo iska qaateen, Waxa ay naftoodda ku noolaysiiyaan guubaabbadda, Wax isu sheegga oo la’kala qaataa waxa ay sax’daa  toosinta nolosha guud iyo tan gaar ahaaneedba,  Guubaadda dhiiri gelinta bulshada ka dhaxaysaa waxa ay keentaa, Is fahan midaysan oo leh foof fiican laguna reeyo,  Hadii bulshadeenna oo dhami ama inta badani isla qaataan waanadda iyo wax isu sheegga,Waxaa hubaal ah in aynu gaadhi karno guul’guul ugu haboon,

Hamze Hassan Gurre

Address

Hargaisa

Contact Inform

Email:
hgurre.madaale@gmail.com

 

Cell phone

 

+252659000052/252634417106/14153294683