Ciidammada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay Rag Ajaanib Ah Oo Lagu Xidhiidhay Al-Shabaab Iyo Xogo Tibaaxay Meesha Ay Ka Yimaaddeen.

0

Hargeysa(Biyo Guure News.com)-Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay koox looga shakiyey inay xidhiidh la leeyihiin Malleeshiyaadka Al-Shabaab isla markaana ay ku hawlan yihiin qorshe ay hawl-gallo ka dhan ah ammaanka ka fuliyaan dalka.
Ma jiro war rasmi oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka dalka, haseyeeshee ilo-wareedyo Wargeyska Himilo ka helay laamaha ammaanka dalka, ayaa xaqiijiyey in raggan oo tiradoodu ahayd Shan qof oo lagu qabtay Jidka Laamiga ah ee u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, gaar ahaan tuulada Aw-Barkhadle ee duleedka Bari ee Caasimadda, iyagoo ku safraya Bas ay saaran yihiin dad rakaab ah oo ku soo jeeday dhinaca Caasimadda Hargeysa.
Ilo-wareedyadani waxa ay intaas ku dareen in Ciidamada ammaanka oo daba-socda xogo ay ku raadjoogaan tuhunno laga qabtay Kooxdan, ay baadhis ku sameeyeen baabuurka ay la socdeen raggani oo ahaa Bas rakaab ka soo qaaday magaalooyinka gobollada Bari ee dalka, iyadoo dhammaantood dadkii rakaabka ahaa laga dejiyey baabuurka, isla markaana ay ciidamadu kala dhex-baxeen Shanta Qof oo tilmaamahooda la hayey. Waxaana markii dambe dadkan loo soo dhaadhiyey dhinaca magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xarunta Dambi-baadhista ee Ciidanka Booliska oo ay xalay u hoydeen.
Sida ilo-wareedyadani u xaqiijiyeen Himilo, Shanta Nin ayaa inaanay ahayn muwaadiniin dalka u dhalatay, balse ay ka yimaaddeen dhinaca maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ay ka yihiin Macalimiin ka hawl-gasha Dugsiyada Qur’aanka lagu barto eek u yaalla maamul-goboleedkaas, haseyeeshe lama oga ujeeddada rasmiga ah ee socdaalkooda.
Haseyeeeshe, Xogo Wargeyska Himilo ka helay laamaha ammaanka, ayaa sheegay in shanta nin ciidamada Ammaanka u sheegeen inay ka yimaaddeen Maamul-goboleedka Puntland isla markaana ay ku socdeen dhinaca dalka Itoobiya oo shanta nin qaar ka mid ah deegaan ahaan u dhasheen kana soo jeedaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halka qaar kalena ka soo jeedaan gobollada Dhexe ee dalkaasi Soomaaliya.
Hawl-galka Ciidammada Ammaanku ku qab-qabteen kooxdan, ayaa ku soo beegmaya xilli lagu gudo-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan oo kooxda Al-Shabaab kor u qaaddo hawl-gallada ay Qaraxyada is-miidaaminta ah kaga geysato deegaannada Koonfurta Soomaaliya oo ay ka hawl-gasho. Sidoo kale, hawl-galkan ayaa ku soo beegmay iyadoo lagu gudo-jiro tobanka dambe ee Ramadaan, iyadoo suuqyada magaalada Hargeysa ay xilligan la ciir-ciirayaan dadweyne tira badan oo diyaar-garow ugu jira Ciidal-Fidriga.
Kooxda Al-Shabaab ayaa fadhiisimo ku leh deegaannada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo kooxdaasi ka fulisay qaraxyo lagu bartilmaameedsaday saraakiil dowladeed iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah. Sidoo kale, Ciidamada maamulkaas, ayaa dagaal kula jira Kooxda Al-Shabaab oo fadhiisimo ku leh Buuraha Galgala oo ku yaala xuduudka Somaliland dhinaca Bari kala wadaagto maamul-goboleedka, halkaas oo ay ku sugnaayeen dhowrkii sanno ee u dambeey