waxa nasiib daro ah in M
0

Hargeysa(Biyo Guure News)-Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyay inuu afka ka xidhay mudada la qabanayo doorashada madaxtooyada iyo wakiilada oo aan ilaa imika la cayimin.

Axmed Muumin Seed waxaa uu ayaan daro ku tilmaamay sida madaxwayne Siilaanyo aanu uga hadal arimaha doorashooyin oo muran xoogan ka dhexdhaliyay xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka Somaliland.

“Ilaa iyo maanta Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kama hadlin mudada doorashada la qabanayo, taasina waa nasiib daro dul hoganaysa dawladnimadeena iyo Somaliland, inuu madaxwaynuhu hadli waayo oo aanu doorashada ka hadlin waa arin aad wax inoo yeelaysa, Xukuumadani Riyaale maalintii uu wareejinayay sidaad ogaydeen waxaa lagu wareejiyay dal nabada iyo mid nabada, dawlad cuduudaheedu dhamaystiranyihiin ayaa lagu wareejiyay”Ayuu yidhi Gudoomiye Axmed Muumin Seed.

Guddoomiye Axmed Muumin Seed Waxaa kale oo uu sheegay inaan mudadii shanta sano ahayd ee xukuumadu xilka haysay aanay waxba ka qaban gobolka Awdal “ Xukuumada Siilaanyo mudadii shanta sano ee ay xilka haysay wax la taaban karo gobolka Awdal kama qaban”Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.