Shir Hoosaad lagaga hadlaaayay Arimaha hawada Somaliland iyo somalia o Burburay

0

Hargeysa(Biyo Guure Newscom)-Wasaarada duulista iyo hawada Somaliland ayaa sheegtay in haayada ICAO ay ka meermeerayso sidii maamulka hawada ee dawladaha Somaliland iyo somaliya fadhigeeda looga dhigi lahaa magaalada hargeysa.
Agaasimaha guud ee duulista iyo hawada Somaliland iyo masuul sare oo ka tirsan wasaarada ayaa shir lagaga hadlayo arintaas oo ay ka qayb galeen, waxaa ay sheegeen inuu shirkaasi burburay oo haayada ICAO iyo dawlada somaliya ay ka meeraysanayaan sidii maamulka hawada looga dhigi lahaa Hargeysa.
Warsaxaafadeed uu soo saaray agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo uu kaga hadlayo arinta maamulka hawada ayaa u dhignaa sidan:-
“ Maalintii Salaada ee 7/7 ayaanu ka soo amba baxnay dalkii aniga iyo la taliyaha wasaarada ee arimaha aviationka Axmed Omar Mohamed (Cago dable) si aanu uga qayb galno shir farsamo oo Hayada ICAO nagu casuuntay anaga iyo guddi farsamo oo dhigayaga ah oo ka socotay Soomaaliya.

Shirkaas oo ku saabsanaa in Daneeyayaashu (stake holders ) ay farsamo ahaan ka doodaan qaabkii iyo hanaankii hawada Dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray loo wada maamuli lahaa oo labada dhinac uga wada faa’iidaysan lahaayeen.

Waxa shacbi waynaha Reer Somaliland ka dharagsan yahay gudo iyo dibabda in tiraba sadex jeer Soomaliya ogolaatay saxeexdayna in maamulka hawada Somaliland iyo Soomaliya la dajiyo caasimada Hargeysa iyada oo ay maamulayaan guddi isku dhaf ah , isla markaana tiraba dhawr jeer hayada ICAO ku cadaysay dhamaan Qiimaynadeedii in meesha ugu haboon ee la dagi karo tahay Hargeysa.

Waanu ka xunahay in dawladda Soomaalia ka baxday dhamaan heshiisyadaas oo dhan, iskana indha tirtay waaqaca iyo xaqiiqada hortooda taala iyada oo qol madaw haayada ICAO kula soo saxeexatay heshiis aanaan isku ogayn isla markaana kuwada socon awoodna ayna u lahayn fulintiisa.

Waxaanu shacbiga reer Somaliland la socodsiinaynaa in shirkii farsamada ahaa na loo soo bandhigay document qaybo qoraal ah oo u xaglinaya dhinaca Soomaaliya, isla markaana aan ku dhisnayn wax tixgalin ahna siinayn dhamaan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac.

Anaguna ka wasaarad ahaan arintaas waanu diidnay anaga oo dhamaan ka qayb galayaashii shirka oo uu ka mid ahaa safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya oo xubin sharafeed ka ahaa shirka hortooda ka cadaynay mawqifka Somaliland ee ah in la tixgaliyo heshiisyadii hore isla markaana marnaba aan gorgortan la galin Karin xaqa ay Hargeisa u leedahay marti galinta maamulka hawada.

Sidaas ayaanu shirkii ku burburay kagana soo baxnay ka dib markaanu wada tashi la yeelanay madaxdii naga saraysay.

Waxaanu dadka reer Somaliland ku calool adkaysiinaynaa inaynu dal ahaan awood dhaqaale iyo mid farsamaba u leenahay inaynu maamulano hawadeena arintaasina ay fududahay sidaynu imikaba u maamulano dhulkeena iyo badeena , laakin aynu tix galinay kana dhur sugaynay dhex dhexaadinta beesha caalamka oo doonaysay in aan hawada la siyaasadayn ee gudi farsamo oo isku dhaf ah inay maamusho, iyaguna ay dhex ka ahaan doonaan, arintaas oo gabi ahaanba meesha ka baxday.”