Mucaaradka Oo Baaq Kama Dambays Ah U Jeediyay Madaxweyne Siilaanyo

0

Hargeeysa(Biyoguurenews)-Labada Xisbi Mucaarad Ucid iyo Waddani, ayaa ku heshiiyay inay meel uga soo wada jeestaan hirgalinta heshiiskii ahaa in doorashada la qabto December 2016, waxaanay baaq wada jir ah u direen Madaxweyne Siilaanyo iyagoo ku booriyay inuu ka hor  20-ka bishan lagu jiro digreeto ku soo saaro dhaqan galinta heshiiskii asxaabta iyo xukumadda ee wakhtiga doorashadu loogu asteeyay badhtamaha December 2016, haddii kalena ay yeelan doonaan shir wadatashi.

 

HESHIIS LABADA XISBI MUCAARID GADHEEN

Nabadda  iyo dimuqraadiyadda Somaliland waxa khatar iyo dib-u-dhac ku ah rabitaanka madaxweynaha, iyo xubno xukuumaddiisa ka tirsan oo ah in aan doorasho dalka kadhicin. Sidaa darteed, waxay labada Xisbi-mucaarid mawqif midaysan kaqaateen heshiisyadda ma-dhalayska ah ee xukuumaddu saxeexdo.

Haddaba waxaa 5-tii, bishan Juulay 2015ka kulan ay labada Xisbi ee UCID iyoWADDANI kuyeesheen Hotel Ambassador oo ay goob-joog ahaayeen labada Guddoomiye ee labada Xisbi Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) kaga doodeen arrimaha siyaasadda, nabad-gelyada iyo bulshada ee Somaliland, gaar ahaan heshiiskii ay wada-galeen xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran 27-kii May 2015-ka; ee welina laga sugayo xafiiska madaxweynaha.

Waxay Labada Xisbi go’aan ku gadheen

ØIyaga oo tix-geliyey amniga qaranka, dhawrayana karaamadda ummadda

ØIyaga oo tix-geliyey deggenaashaha iyo xasilloonida Dalka,

ØIyaga oo tix-geliyey bisha Ramadaan ee lagu jiro,

ØIyaga oo tix-geliyey muddada dheer ee laga sugayey xukuumadda inay fuliso heshiiska,

Innay baaq kama danbaysa u dirayaan Madaxweynaha:

1.    In Madaxweynuhu fuliyo heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumadda ee lagu wada galay madaxtooyadda 27-kii May 2015-ka.

2.    In Madaxweynuhu isaga oo xurmeynaya heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumadda, tixgelinayana danta qaranka in uu digreeto ku soo saaro heshiiskii la-wadda-galay, ka hor 20/7/2015-ka,

3.    In haddi aannu madaxweynuhu fullin heshiiska soona saarin Degreeto heshiiskii la wada-galay inay isbahaysiga mucaaridku isugu iman doonaan talo dalka lagu badbaadinayo Qaranimada Somaliland  21-26 July 2015ka,