Sganacsiga Xoolaha e Dhoofka dalka Yeman o Dib u Furmay,iyo Markabkii barko 2 e Xoolaha ka qaady Boosaaso o degay

0

Ganacsigii Dhoofka Xoolaha ee dalka yeman ayaa dib u Furmay Bishan Julay Lixdeedi Sida uu Noo xaqiijiyay ganacsadha wayn ee Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Shidaar) Waxaana afartii Habeen ee ugu danbeeyay ka dhoofay Dekada Berbera Ilaa shankun oo LO ah iyo Todaba kun oo Adhi ah, waana Bushaaro Wanaagasan Ayuu Yidhi Mr Shidaar, waxaanu hadalka Ku daray In aay soo Kordhayaan dalabka Xooluhu oo laga yaabo wiigaga soo socda in Dhoofkii Xoolaha ee dalka Yeman uuu caadi Kusoo Noqdo,
Ganacsade Shidaar ayaa Ku sababeeyay Ganacsigii Dhoofka Xoolaha ee dalka Yeman uga tagi jiray Berbera Soo Noqashadiisa Duqaynt xaga Cirka ee Sucuudigu Ku hayay Yeman oo hoos u dhacday ,
Dhanka kalena Wuxuu Xusay in Allaabooyinkii iyo Sharaabkii Yeman ka Iman jiray iyaguna in ay si caadi ah u Yimaadaan,
Sida La Ogyahay Intii dagaalada Ehliga ahi ka Bilawdeen dalka Yeman waxaa Istaagay Dhoofkii Xoolaha Laakiin waxa Bedelkoodii galay Shidaal Tiro badan oo Loo Iibgeeyay Dalka Yeman Taas oo Laban Laab ka badatay cashuurtii Somaliland ka Heli Jirtay Dhoofka Xoolaha. Sida aanu Illo xoga,gaal ah Ka Helnay,
wararka kale Ee Dhinaca Xoolaha Ku saaabsan Ayaa waxy Sheegayaan in Markabkii Albarako 2 oo Bishan July Todabadeedi Xoolo ka qaaday Dekada Boosaaso uu Degay, Markabkan ayaa waxa Iska lahaa Shirkada Aljaabiri waxaanu u Rarnaa ganacsato Reer Butland ah,
Sida wararku xaqiijinayaana Shaqaalihii Markabka Intoodii badnayd waa la badbaadiyay Marka laga reeboLaba Nin oo Illaa Iminka la la,yahay Geeri Nolol waxay Ku danbeeyeen,
Markabkan Ayaa waxa uu siday 2800 oo Lo,ah iyo iyo 8000 Kun oo Adhi ah , waxaanu Ku Socday Dalka Imaaraadka carabta,