Xisbiyada Mucaaradka Oo Far Waaweyn Madaxtooyada Wax Ku Fahamsiiyey By Abdi Mustafe

0

War saxafadeedka labada xisbi mucaarad soo wada saareen waa mid ay Silaanyo far waaweyn loox uugu daabaceen si uu u fahmo haduu dikriito ku soo saari waayo heshiiskii la wada galay in aannu madaxweyne dalka ka haan doonin 27 July 2015. Xukuumada silaanyo luqadaha noocaasa ayay fahmaan oo imankay ku waalan gogoshii dub uugu soo noqda iyo wax ciyi waa ka beryey ah. Hase yeeshee mucaaradka waxa ka go’an waa sida war saxaafadeed kooda ku qornaa e in ay shir wada geli doonaan labada xisbi 21-26 July 2015ka dabeedna uu halkaa ku buri doono xilkii Silaanyo dalka ka hayay oo dowlad dadka doorasho gaadh siisa oo qarankan

bad baadisana lagu samayn doono shirkaa. Labada xisbi waa majority oo waxa raacsan 85% sidaa darteed xisbiga Kulmiye oo 15% haystaa wadankan kama sii talin karo oo doorashada ma diidi karo. Ku quuso qudhaanjoy oo ku quuso Kulmiyow oo hadii dikriito ku soo bixi waydo doorasha qabsoonta Dec 2015 waxay noqonaysaa Waddani iyo Ucid daawo dacalada. Dowladi haday jiri lahayd mudada doorashada ayay meel saari lahayd. Gurtiduna maaha kuwii la doortay oo sharci kuma fadhiyaan oo shicibku waxba kama qoro. Maxay Guurtidu nin aan doonayn uugu qasbayaan mudo kordhis. waxaas oo dhami waxay tusaale u yihiin in aan meesha xukuumad hagaasan oo itijaah lihi aanay jirin.

Abdi Mustafe

Abmustafe123@gmail.com