Agaasimaha-guud-ee-wasaarada-warfaafinta-somaliland-oo-kulan-uu-taageero-ugu-raadinayo-xukumada-madaxweyne-siilanyo-ee-wakhtigeedu-dhamaaday-hargeysa-ugu-qabtay-qurba-joog-reer-saaxil-iyo-masuuliyiin/

0
Hargaysa(BGN)Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo Kulan Uu Taageero Ugu Raadinayo Xukumada Madaxweyne Siilanyo Ee Wakhtigeedu Dhamaaday Hargeysa Ugu Qabtay Qurba Joog Reer Saaxil Ah Iyo Masuuliyiin Kaloo Ka Qeyb galay

July 8, 2015 – Written by Editor

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulankan oo Ka Dhacay Hotel Green Plaza Ee Magaalada Hargaysa ayaa Waxa kulan Soo Qaban Qaabiyey Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Warfafaainta Iyo Mareeyaha Haamaha Waxa Kale Oo Kasoo Qaybgalay Badhasaabka Gobolka Awdal Ramaax Cali Hayste Iyo Wasiir -kuxigeenka Warshadaha Somaliland Cali Dhagoole Iyo Qurbajoog aad Utira Badan.KULAN AFUR IYO CASHO SHARAF AH OO AY YEESHEN JAALIYADA GOBOLKA SAAXIL IYO XUBNAHA XILALKA KA HAYA XUKUUMADA SOAMALILAND OO KA DHACAY GREEN PLACA HARGEYSA.

 

 

Waxaa Munaasibadan Hadalo Duco Iyo Isbarasho ah Kasoo Jeediyey Agaasimaha Guud Ee Warfaafinta Maxamed Cilmi Ilkacase Waxaanu Siwayn Usoo Dhaweyey Qurbajoogta Gobolka Saaxil Isagoo Ku Hambalyey Kulankan Ama Marti Sharafkan Ay Soo Ajiibeen.

Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Suleeban Siciid Cali Ayaa Qurbajoogta Usoo Jeediyey Inay Dhisaan Magaaladooda Berbera Kuna Soo Noqdaan Isagoo Sidoo Kalena Ku Adkayey Inay Marwalba Diyaar Uyihiin Tageristooda.

Xubo kala Duwan Oo Kamid ahaa Wasiir Kuxigeenka Warshada Iyo Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye, Ayaa iyaguna Soo Dhaweeyey Qurbajoogta Kuna Tageeray Talaabooyin Waxqabad oo ay Balan Qaadeen,

Dhanka Qurbajoogta waxa afkooda ku hadlay Xuseen Maxamed Bisad, iyo Oday Maxamed Xaaji Ismaaciil oo balan qaaday inay ka dhex muuqan doonaan hadii eebbe qadaro xorumarka gobolka saaxil buuxin doonaana kaalintooda waxqabad.

Ugu danbay waxa isna kulankan ku sugnaa Badhasaabka gobolka Awdal Mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo isna hadalo dardaaran iyo dhiirigelina isugu daray qurba-jooga iyo qolqoljooga ku sugnaa madashaasi ayaa hadalka soo xidhay.

Kulanka ayaa umuuqday mid uu agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta somaliland uu taageero ugu raadinayo Xukumada uu katirsan yahayee wakhtigii la doortay dhamaaday islamarkaana la ciirciiraysa mucaaradad kaga imanaysa inta badan shacabka reer Somaliland ee ku hungiibay wixii laga filaayay Xukumada madaxweyne Siilanyo