Wasiir Maxamed Biixi Oo Ka Hadlay Sirta Muranka Dhalisay Ee Wikileaks Iyo Dacwad Loo Gudbiyey Dowladda Ingiriiska.

0

Hargeysa(BGN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa khiyaamo iyo dambi qaranka laga galay ku sheegay eedayn xisbiyada mucaaradka ugu jeediyeen xukuumaddiisa heshiisyo hoose oo ay la gashay dowladda Soomaliya, kuwaas oo xogtooda ay faafisay shabakadda Wkileaks oo macluumaad dibloomasiyadeed ka heshay wasaaradda Arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga.
Xisbiyada mucaaradka ah Somaliland ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay heshiis qarsoodi ah oo ay ku oggolaatay nidaamka Federaalka ee Soomaaliya la gashay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo siyaasiyiintani soo xiganaya xogo ay baahisay shabakadda Arrimaha Sirta ah faafisa ee Wikileaks oo laga dhex-helay warqad muujinaya heshiiskaas oo maalmihii u dambeeyey muran siyaasadeed ka dhaliyey dalka.
“Waa been cad oo qaawan oo xaqiiqada ka fog, shacbiga reer Somaliland-na way ogyihiin in qadiyadda Federaalka aanay Somaliland wax shaqo ah ku lahayn, Somaliland kamay qayb-galin arrimihii ka socday Garoowe iyo Road Map-ka (Tubka nabadda), sharciyadda u taala Somaliland iyo dastuurkuna ma oggola Federal; iska daa Federaloo, shirkii labada waddan u socday waxaanu ku joojinay, markii ay Soomaaliya u soo dartay niman reer Somaliland ah, halkaasay qaddiyaddu ka taagan tahay, mana ah dad lagu tilmaami karo inay khiyaamo wadaan, dadkani waa dad soo halgamay, noloshoodiibay u huraan inay helaan waxan ay maanta haystaan,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis oo Waraysi gaar ah siiyey telefishanka Horn Cable tv.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaan u haystaa inay fadeexad iyo ceeb tahay oo qaran-dumis tahay in maanta lagu tilmaamo dadka reer Somaliland iyo masuuliyiinteeda inay khiyaamo qaran wadaan. Dadka masuuliyiinta ah ee shacbiga Somaliland ugu sheekaynaya waxaan jirin oo baarlamaan iyo Guurti aanu galin, waxay iila muuqataa qofka masuulka ah ee umaddan wax ka doonaya inay ka xishoodo waxyaabaha qaarkood ee qarankana duminaya.”
Maxamed Biixi Yoonis waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay kulan dhexmaray siyaasiyiin ka tirsan Madasha Wada-tashiga iyo dowladda Ingiiriiska, kaas oo sida Guddoomiyaha Madasha Wada-tashigu sheegay dhowaan ay ujeeddadiisu ahayd xubno ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo dowladda Ingiriiska laga dacweeyey.
Waxa uu wasiirku sheegay inay xukuumad ahaan la xidhiidheen dowladda Ingiriiska, arrintan-na wax ka weydiiyeen. “Wax loo gudbiyey ma jiraan, waxan la soo qorayna waxba kama jiraan, waxaan la xidhiidhay safiirkayagii halkaas noo joogay oo aan weydiiyey. Dadkaasi waa dad isku soo sawiray nin Ingiriis ah oo meel kale ka shaqeeya. Dowladda Ingiriiska waanu la xidhiidhay, halkay iigu imanayaan oo waan u yeedhay. Markaa waa iska been-abuurkaas habeen iyo maalin la doonayo in lagu cambaareeyo, dalka iyo dadka, masuuliyiinta qarankana lagu cambaareynayo. Markaa waxaan soo jeedinayaa caydeenna iyo waxeenna aynu dibadaha u soo saarayno ee aynu caalamka u sheegayno, burbur ay waddankan gaadhsiiso mooyaane, wax faa’ido ah oo ay keenayso ma jiro,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.