Arinta Ay Sheegayso Wikilieks Hadii ay Rumowdo,Waa Khiyaamo Qaran Tii Ugu Darnayd…. Hadii Ay Sugnaatana Waa In La Iskugu Yimaado Shir Qaran, Maxkamad Gaara Ahna….”Muj Xasan Cise Jaamac

0

Hargeysa(BGN)-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Madaxwayne ku xigeenkii ugu horeeyay ee somaliland ayaa warsaxaafadeed Uu soo saaray Waxaa uu kaga hadlay Siraha ay Somaliland ka faafisay Mareegta Wikilieks Oo ay ku sheegayso in xukuumada somaliland ay maamulka somaliya la saxeexatay heshiis federal ah .
Xasan Ciise Jaamac waxaa uu sheegay in Hadii arintaasi lagu helo dawlada Somaliland ay tahay khiyaamo qaran,baarlamaankana waxaa uu ugu baaqay in ay iskugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn oo lagaga arinsanayo Warqada ay faafisay Mareegtani,si loo helo buu yidhi cida ka danbaysa arintan.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa Qoraal usoo saaray maanta waxaa uu u dhignaa sidana

Arinta lagasoo wariyay wikileakes ee sheegaysa in wasiiro ka tirsanaa xukuumada Somaliland ay galeen heshiisyo Somaliland ka dhigayaa gobal ka tirsan nidaamka fadaraalka ee Somalia, hadii ay rumowdo, waxa weeye khiyaamo qaran tii ugu darnayd ee wadankan soo marta intii la soo celiyay madax banaanida Somaliland tan iyo may 1991.

waxaa layaabka leh in eed itaas le’eg aanay ilaa imika xukumada Somaliland ka soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo dadka u cadaynaya sida ay wax u jiraan!

culayska ay arintani leedahay awgeed iyo sida ay xukuumadani uga aamustay waxay lama huraan ka dhigayaan in si deg dega la isugu yeedho baarlamaanka ooy fadhi qayru caadiya isugu yimaadaan. Baarlamaanku waa in uu sugaa sida ay arintani wax uga jiraan kana joojiyaan xukuumada wax kasta oo kale inta arintan gunteeda la soo xaadhayo. hadii arintani sugnaato waa in la isugu yimaado shir qaran oo go’aanka ku haboon lagu qabto, maxkamad gaar ahna lagu saaro cida ay khusays