Golaha Guurtida Oo Ku Adkaystay In Doorashada La Qabto ,April 2017 ka. “Go

0

Hargeisa)(BGN)Go’aankii Golaha Guurtidu Gaadhay May 2015, Ee ahaa Muddo kordhinta Sidiisii Weeye, Wax Isbedel ah oo ku yimidna ma jirto”.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Aqalka guurtida Somaliland, ayaa kusii adkaysanaya Inaan Laga noqon doonin Go’aankii mudo kordhinta ee Doorashada madaxwaynaha , ku xigeenka iyo golaha wakiilada Somaliland oo ay hore u shaaciyeen inay dhici doonto bisha April 2017.
Asxaabta Qaranka iyo xukuumada ayaa dabayaaqadii bishii may ee sanadkan ku heshiiyay in doorashada la qabto December 2016 ,haseyeeshee waxaa go’aankaasi si wayn uga soo horjeestay golaha guurtida Somaliland oo sheegay inaanu go’aanka xisbiyada qaranka iyo xukuumadu midna sharci ahayn.
Afhayeenka Golaha Guurtida Somaliland xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo maanta Idaacada BBCda Ugu waramayay magaalada Hargeysa ayaa ugu horayn sheegay.
“Go’aankii golaha guurtidu gaadhay May 2015, ee ahaa muddo kordhinta sidiisii weeye, wax isbedel ah oo ka yimidna ma jirto. Wuxuu ahaa go’aan sharci ah, wakhtigaas aanu qabanay bil ka horna waxaa la qaban doonaa doorashada si aan dalku dawlad la’aan ugu dhicin, wax isbedel ah oo golaha ka yimidna ma jiro, anagana waxaa naga dardaaran ah maanta laba bilood baa hadal lagu jiray,waxay ahayd in hawl badan la qabto, diwaangalintii may bilaabin, asxaabta hawlihii aanu kala hadalnay ee ahaa inay gobolada ku faafiyaan kama muuqato” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho.

Go’aankan Golaha guurtida ee mudo kordhinta ayaa waxaa si iskumida uga soo horjeestay xisbiyada mucaaridka, hadalkan maanta kasoo yeedhay Afhayeenka golaha guurtiduna Waxaa uu meesha ka saarayaa heshiiskii ay bishii May Wada gaadheen asxaaabta qaranka iyo xukuumadu.