“Guddoomiyennimadaadi Meeday Muusoow Aad Wax Ku Saxeexday Ee Aad Heshiiska Nagula Saxeexatay? Annagu Waxaannu Kuu Aragnaa Nin Aan Qawlkiisa Iyo Qalinkiisu Toona Shaqaynayn Oo Bilaa Ilko Ah Runta Haddii La Doonayo…”Jamaal Cali Xuseen “

0

Hargaysa(BGN)“Dalkani halaag buu ku jiraa, dhibaatuu ku jiraa Muusoow aad Guddoomiyaha ka sheeganaysaa, waxaa la saxeexay in Somaliland Federaal laga dhigo, Xoolihii ummaddaa la cunay, dhinacaagaad ka boobaysaa adigu…” Jamaal Cali Xuseen; Waraysi Gaar Ah

Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadallo uu Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku duray isagoo ka jawaabayey cambaarayn ay Is-bahaysiga Mucaaradku kaga hadleen Warqad Sir ah oo uu baahiyey Wikileaks oo la sheegay inay Xukuumadda Somaliland heshiis dalka lagu hoos-geynayo Federaalka Soomaaliya la gashay dawladda Soomaaliya, taasoo ay Mucaaradku ku tilmaameen Khiyaamo Qaran.
Hase-yeeshee, Muuse Biixi oo hadalka Mucaaradka ka jawaabay Isla Isniintii, ayaa ku tiraabay weedho ay ka mid ahaayeen; ‘Nimanka Musharrixiinta isku sheegaya’ iyo kuwo la mid ah oo uu ku difaacayey Xukuumadda oo Mucaaradku Heshiiskaas Soomaaliya ku cambaareeyeen. Sidaa awgeed, Jamaal Cali Xuseen oo u warramay Telefeshinka KALSAN shalay, ayaa sheegay inay hadalladaasi Muuse deel-qaaf ku yihiin Musharrixiinta iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID. Waxaanu Jamaal ku eedeeyey Muuse in Rag han lahaa oo isaga hoggaaminta kaga fiicnaan lahaa uga haajirayaan KULMIYE.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku eedeeyey Muuse Biixi inuu qayb ka yahay dadka boobay hantida ummadda, halkii uu ka difaaci lahaa hantida Qarankana uu uga doodayo Qaran-dumisnimo iyo in Soomaaliya la hoos-geeyo Qaranka Somaliland ee 24-ka sannadood madax-bannaanida haystay, caalamkana martida uga ah aqoonsi buuxa.
“Abti Siyaasadda dadka inaad ku weerartid maaha, hadallo badan oo deel-qaaf ah baa kaa dhacay oo Shacabka Somaliland ogyihiin, annagu deel-qaaf ma samayno, waxaannu ka hadalnaa annagu kolba waxa ay Mucaaradaddu na siiyo, shaqsiyaad ma weerarno, cid kalena ma weerarno. Laakiin, adigu hadallo marna deel-qaaf ah marna ummadda isku diraya ayaad ku hadashaa. Annagu waxaannu ka hadalnay heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumadda iyo Warqadda ay dawladdu saxeexday (Sirta Wikileaks) ee in dalka Federaal laga dhigo.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal.
Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo sii watay hadalkiisa, waxa uu yidhi; “Laakiin, inaad tidhaahdid niman Musharrixiin sheegta oo aan waxba samaynayn iyo wax caynkaas ah may ahayn. Waxa weeye nin weyn baad tahay, wax baad la saxeexatay Xisbiyada Mucaaradka ah adigoo leh Guddoomiye Xisbi ayaan ahay, haddaba Guddoomiyennimadaadi meeday Muusoow aad wax ku saxeexday ee aad heshiiska nagula saxeexatay? Annagu waxaannu kuu aragnaa Nin aan qawlkiisa iyo qalinkiisu toona shaqaynayn oo bilaa ilko ah runta haddii la doonayo.”
“Dalkan han baad ka leedahay oo waxaad doonaysaa inaad Siyaasi weyn ka noqotid, xaqna waad u leedahay. Sidaa aad adigu xaqa ugu leedahay, ayaan annaguna xaq ugu leenahay, markaa inaad annaga si yar oo daciifnimo ah noola hadasho dee maaha Abti. Dalkani halaag buu ku jiraa, dhibaatuu ku jiraa Muusoow aad Guddoomiyaha ka sheeganaysaa, waxaa la saxeexay in Somaliland Federaal laga dhigo, Xoolihii ummaddaa la cunay, dhinacaagaad ka boobaysaa adigu, Hantida aad qaadatay iyo Guryaha aad qaadatay waannu ognahay Muusoow waannu kaa xishoonaynaaye.” ayuu yidhi Jamaal.
Musharraxa Jagada Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, waxa uu ku dooday inay haystaan taageerada Shacabka, isla markaana aanay hanta boob marna kula kicin Qaranka, waxaanu yidhi; “Annagu taageeradii ummadda ayaannu haysannaa, ummadduna way ogtahay inaannaan dalkan ka shaqaysan, inaannaan guryo ka dhisan oo aannaan hanta ka cunin, Gurigaygii baan ku jiraa aan Xooggayga xalaasha ah ka dhistay, adiga waxaa lagaa doonayaa doorkii ummaddu kugu lahayd.”
Jamaal Cali Xuseen waxa uu xusay in Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan aasaasayaashii KULMIYE, isla markaana bishii March ee sannadkan iska casilay xilka Wasiirka Waxbarashada oo Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ka dib markii uu ka beddelay Wasiirka Maaliyadda oo uu muddo ahaa. “Waxaan aamminsanahay Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale inuu runtii u qalmaayey jagadan adigu aad ku taamaysid, welina kamaannaan arag Cabdicasiis oo intii uu Xukuumadda ku jiray oo si deel-qaaf ah ama xaq-darro ah cid ku soo raacay oo cid ugu jawaabay.” Sidaa ayuu
yidhi Musharrax Jamaal.
Hoos Ka Daawo Muuqaalka Warkan