Hargaysa( BGN)Qaxootiga u dhashay dalka Yemen ee ku sugan caasimada Hargeysa, ayaa wax-qabad laโaan ku eedeeyey hayโadaha Qaxootiga ee dalka ku sugan, halka sidoo kale ay musuq-maasuq iyo lunsi deeqo loo soo mariyey ku eedeeyeen xubno ka tirsan jaaliyadda Yemen ee ku sugan Somaliland, waxaanay iclaamiyeen bannaan-bax ay maanta ka dhigayaan magaalada Hargeysa.
Sida uu Wargeyska u Himilo u xaqiijiyey Nabiil Salem Tarshuum oo ah Af-hayeenka Qaxoontiga dalkaas ee Hargeysa, waxa uu sheegay in qaxootiga ku sugan Hargeysa ay ka mahad-sheeganayaan shacabka iyo xukuumadda Somaliland iyo soo-dhaweynta lagu qaabilay, balse waxa uu dhaliilay hayโadda qaxoontiga u qaabilsan Qaramada Midoobayt ee UNHCR oo uu sheegay inaanay ka helin gar-gaarkii ay ka sugayeen, isla markaana aanay wakhtigan wax rejo ah ka qabin.
โWaxa jira caruur boqolaal ka badan oo daryeel laโaan ugu dhibaataysan Hargeysa, qoysaskoodana taageeradii ay filayeen aanay helin,โ ayuu yidhi Nabiil oo shalay u warramayey weriye ka tirsan Himilo.
Mr. Tarshuum waxa uu sheegay inay kala xidhiidheen xukuumadda Somaliland dhibaatada haysata, iskuna dayeen inay la hadlaan hayโadaha qaxootiga qaabilsan, balse uu yar yahay wakhti ay ku bixiyaan dabagalka arrimahooda, waxaanu ku dooday in qaar ka tirsan jaaliyadda reer Yemen ee Hargeysa ku sugan ay lunsadeen gar-gaar loogu yaboobay qaxootiga oo loo soo mariyey.
โIska daa waxtar aanu ka helo hayโadaha qaxootiga iyo masuuliyiinta jaaliyadda Yemen ee Hargeysa, waxay badi lunsadeen taageero shirkada Dahabshiil ugu tabaruceen qaxootiga Yemen ee Hargeysa,โ ayuu yidhi Nabiil.
Mr. Tarshuum ayaa sheegay in hayโadaha qaabilsan qaxootigu keliya ka bixiyeen qaxootiga kharashkii gaadiidkii ka soo qaaday Berbera ee keenay Hargeysa, balse aanay ka helin daryeelkii kale qofka qaxootigu xaqa u lahaa inuu helo.
โWaxaan ognahay taageero dhaqaale oo masuuliyiinta jaaliyadda Yemen ee Hargeysa ka heleen wadamada Khaliijka oo lagu kaalmeeyey qaxootiga lunsadeen, caddeymahoodana soo bandhigi doonaan maanta,โ ayuu yidhi Nabiil.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, โDiyaar uma aha Jaaliyadda Yemen ee Hargeysa iyo UNHCR inay fuliyaan waajibkii ka saarnaa daryeelka qaxootiga Yemen ee jooga Somaliland, waxaan ka codsanayna bulshada iyo xukuumada inay hoos u eegaan caqabadaha na haysta,โ Sidaas ayuu yidhi Nabiil.
Dhinaca kale, Wasiir wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal oo aanu isku-daynay inaanu wax ka weydiinno cabashada Qaxootiga maadama oo uu yahay masuulka xukuumadda u metala taryeelka iyo ilaalinta Xuquuqda Qaxoontiga, ayaanay noo suurto-galin inaanu ku helno khadka telefoonka.