Mudaharad Lagaga soo Horjeedo Xadhiga Xukumada Silanyo u Gaysatay Suldaan Maxamed Cune Oo Laga Cabsi Qabo inuu Bari ka Dhaco Magaladda Burco

0

Burco (HWN) iyadoo ay Maanta abaaro 11:00 Duhurnimo ay Ciidanka Booliska Togdheer ay Saldhiga Dhexe Burco ay u taxabeen Suldaan maxamed muuse cune oo ka mid ah saladiinta ugu caansan gobalka togdheer ayaa wali ku xidhan Saldhiga dhexe,

 

Xadhiga Suldaanka oo ah qorshe ay madaxtoyadu usoo maleegtay suldaanka maxamed muuse cunne oo inta badan ka hadla marxaladda Aan indhaha Laga Qarsan Karin ee uu dalka marayo ayaa waraysi ay maalintii shalay ahayd Shabakadda Caalamiga ah Hadhwanaagnews la Yeelatay Suldaan Maxamed Muuse Cune Waxa Uu si Adag Ugu Jawabay Hanjabadii dhawaan ka soo yeedhay wasiirka arrimaha gudaha cali warancade.

Gudaha Magaladda burco ayaa Caawa si wayn looga dareemayaa

Hadal haynta Xadhiga ay Madaxtoyadu usoo Maleegtay Suldaanka waxaana jira Dhaqdhaqaaqyo Laga Dareemayo inuu Magaladda burco ay Maalinta Bariya Uu ka Bilaabmo Mudaharad Lagaga soo Horjeedo Xadhiga Suldaanka,

Suldaan Maxamed Muuse Cune Oo ah Suldaan Tageero Baladhan ka haysta Bulshadda Reer Burco ayaan la Garan Doonin Halka Uu ku Danbayn Doono Mudaharadka Lagaga Soo Horjeedo Xadhiga Suldaanka,

Ciidanka Amaanka Gobalka Togdheer ayaa iyagu Caawa iyagoo u socda Kooxo Kooxo u Gaafwareegaya Galbeedka Burco si ay uga hortagaan Mudaharadka Lagaga soo Horjeedo Xadhiga Suldaanka Oo la Filayo inuu Bari ka Dhaco Burco,

Wixii  Warara Ee ka soo Kordha Xadhiga Suldaan Maxamed Muuse Cune Kala Soco Shabakadda Caalamiga ah Hadhwanaagnews.com