Taliye Fadal Oo Amaro Culus Dul dhigay Gadiidka,Kana hadlay Tirada Dhimashada Ay sababeen Gadiidku.

0

BiyoGuurenews Cabdilaahi Fadal iimaan Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland ayaa Amaro ku soo rogay Gadiidka Qaada Jaadka iyo kuwa gobolada iskaga kala Goosha isaga oo u soo jeediyay in ay u hogaan samaan Sharciga wadooyinka.

Taliyaha ayaa ka dhawaajiyay in gadiidka magaalada dhexdooda Maraya inuu noqdo Xawaarahoodu 30 Kiiloo Mitir,halka ku gobolada u baxayana noqdaan 80 kiilo mitir gaadhigii intaas ka badiyana sharciga la horgayn Doono.

tilmaamayaa inuu Darawalku ilaaliyo Shuruucda wadooyinka gudaha iyo dibadaba si uu u sugo umadda uu masuulka ka yahay ee rakaabka ah,gadiidka aanu fariinta u diraynaa waa gadiidlayd somaliland oo dhan,Xawaaraha Gadiidka ay wadooyinka magaalada dhexdooda ku marayaan waa 30kiiloo mitir,Ciidanka Nabad Galiyada wadooyinka waxaan farayaa in ay ku dhex kaantarool Magaalada Dhexdaa,Qofkii u hogaan Sami waaya Sharciga Horgeeyaan.

Intaas waxa ku daray Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal.”Marka ay magaalada ka baxaan gaadhidu ee gobolada ku socdaan waxa ay ku socon karaan 80 kiiloo mitir,Gawaadhida waawayn waxa ay Iyana ku socon karaan 60 Kiiloo Mitir,Xeerka Nabad Galiyada wadooyinkuna waxa ay sheegayaan in ay liisamada oo u kala baxa A,B,C ee  gawaadhida yaryar inaanu ku kaxayn Karin gawaadhida waawayn Xeerka ayaa diidaya waana mid lagula Xisaabtamaya oo lagu kaan Taroolayo Sharcigana lagu waafajin karo.

Fadal ayaa tilmaamay in Shilalkii ugu danbeeyay ee dhaca marka la isku geeyay ay noqdeen 257 shil kuna dhinteen in ka badan 19 qof oo shacab ah isaga oo Fariin Adag u diray gawaadhida rakaabka ah ee iskaga goosha gobolada dalka waxaana uu yidhi.

“Turusyadan loo sameeyay gadiidka khataro badan ayuu leeyahay,kumana koobnaan doonto booyada iyo iska Rogo oo kaliya waxaan la hadlayaa dhamaan baabuurta leh turuska oo dhan,waxaan halkan digniin uga dirayaa gadiidlayda basaska laba shayba waa inaanu biriiga uun qaban si Aanay khatari ugu iman Rakaabka gaadhiga inta badan albaabkoodu waxa uu soo xigaa xaga wadada,basaska iyaguna qaada ciyaalka iskuulka waxaan farayaa in ay iyaguna la danbi yihiin baabuurta jaadka qaada sharciga gaadiidka qabanaya ayaa dhamaantood qaban doona hadaanay sharciga u hogaan samin.

Hadalkan ka soo yeedhay taliyaha ayaa waxa uu ka danbeeyay wakhti magaalada hargaysa iyo gadiidka u baxa goboladu xawaaraha ay ku socdaan sababay dhimasho iyo dhaawac taas oo keentay in Laamaha amaanku feejignaan dhinac gadiidka ah muujiyaan iyaga oo fariin Kama Danbaysa Ah tani noqon Doonto.