Guusha Maamulka Gobolada Dhexe Xagay Ka Timi , Maxayse Uga Dhigan Tahay Shacabka Somalia Iyo Madaxda Muqdisho , Falanqayntii Mohamed Ahmedd.

0

Aan ku bilaabe waxa guul kuso dhamaatay shaqo in muda laso waday oo badana dadka ku dhaqan gobolada dhexe ee Galgaduud iyo Mudug ay sugayeen , dadka deegaanada waxa daashaday burbur iyo dagaalo sokeeye ilaa mudadii ay dhacday dowladii dhexe ee Somalia 1991-kii , waxana mudada inta leeg isaga danbeeyay kaabo qabiilo , hogaamiye kooxeedyo iyo sidoo kale aakhirki maamulo ku dhisan qaab xaafaded ama jilibo hoose ,

 

Deegaanka waxa mudo hada ka talinayay

maamulo yar yar oo xukuma deegaano qaab isir ah loo dago , waxana ka mid ahaa Galmudug oo ka talinaysay qayb ka mida magaalada Gaalkacayo iyo deegaano koonfurta ka xiga oo tirayar , sido kale waxa ka jiray maamulka Ximin iyo Xeeb oo isna ay caasimad u ahayd magaalada Cadaado laftiisuna aha maamul xafaded ama maamul jilib Somaliyed dhistay , waxaynu inta kuso dari karna wadaada-da suufiyada ee Ahlusuna oo iyagu aasasmay ka dib marki badiyaa gobolada koonfurta Somalia ay soo qabsadeen Ururka Alshabaab iyaguna ku aasaasmay qaab diimeed sido kale waxan odhan kara maamulka Ahlussuna wuxu caawimo awoodeed ka helay Ethiopia oo marka u arkaysay Urur diimeed qunyar socoda ama niman ka hor tagaya kooxaha xagjirka ah ee Somalia kasoo aasasmay .

 

Si kale oo qaawan hadan usii dhigno maamulka Galmudug wuxu aha maamulka Beesha SACAD halka maamulka Ximin Iyo Xeeb na Ahaa maamulka SALEEBAN labaduba wa laba beelood oo walala wana Habargidir , halka maamulka Ahlussuna aynan isaga toos qabiil ugu sheegi karin balse waxan hadan isku dayno inan qaawino odhan karnaa waa CAYDH IYO MAREEXAN is huwan .

 

Hadaba shaqo muda badan lagusoo taamayay oo ahayd in dadka deegaanada gobolada dhexe loo dhiso maamul gobaleed ayaa waxad mooda inay hada markii ugu horaysay u eegtahay suurta gal , waxana taa inogu daliila badi siyaasiyiintii kala qaybsana ee deegaanka oo aan odhan karno hada way midaysan yihiin , hadan hadaba sii qaawiyo waxa mudo beesha gobolada dhexe ugu miisaanka culus ee Habargidir ku fekeraysay siday u dhisan lahayd maamul goboleed dadka deegaankuna kula midooban ee an iyaga ahayni .

 

Shaqo badan iyo dadaal badan ka dib waxa laysla gartay in maamulka gobolada dhexe howshiisa toos loo galo waxana awalkiiba caasimada Muqdisho laguso nashqadeyay qaabku noqon laha , Iyado sedex meelood loo kala qaaday lana yidhi , Magaca an ka qaadano maamulka GALMUDUG , Shirkana an ku qabano xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb oo ah cadaado laguna qabtay , sido kalena aan Caasimad ka Dhigno Xaruntii Galgaduud oo ah Dhuusamareeb .

 

Intaaso masalo markan so dhaafno waxa maamulkan lagaso bilaabay in awal ay isi saamaxan beelaha deegaanku oo an ka xusi karo dagaal qoto dheeraaday oo u dhaxayn jiray beelaha SACAD iyo SALEEBAN ahna mid ka mida dagaaladi sokeeye ee ugu mudada dheera Somalia , waxana halka lagu heshiisiiyay dhamaan beelihii deegaanka ee wax kala tirsanayay ka bacdina waxay soo xuleen Ergo soo xulan doonta golaha baarlamanka ee Galmudug sidiina waxa laguso xulay xubnahan haatan ee baarlamanka u ah maamulka Galmudug .

 

Ergada howsheeda intii lagu jiray waxa dhinac socotay sharciga lagu maamuli doono labadan gobol , waxana baarlamanka deegaankasi marki sida loso dhisay isna uu qalinka ku duugay Dastuur loso qoray maamulka Galmudug , kaas oo sheegaya in maamulka Galmudug yahay laba Gobol oo dhamaystiran si uu uhelo aqoonsiga baarlamanka Federaalka , madama sharciga u qoran federaalku sheegayo in maamul goboleed ay noqon karaan oo qudha laba gobol iyo wax ka badan goboladii ay ku dhacday dowladii Somalia , sida awaded socon mayso xisaabta ah gobol iyo badh ama Galgaduud iyo Mudug oo qaybta koonfureed ah .

 

Sharciga ama Dastuurka maamulkani ku dhisan yahay waa mid caqabad ku ah jiiraankeeda Puntland oo iyadu aminsan in Mudug Waqooyi xagooda tahay , sido kalena sheegayaba inaanay sharci ahayn waxa cadaado ka socda madama iyagu leeyihin wa gobol iyo badh sida awadeed na maamul goboleed looma aqoonsan karo , balse qolada kalena taagan tahay inay Mudug oo midaysan soo xero galin doonan sidana ay ku yihiin sharci .

 

Intaa waxa hada dheer mudadii danbe ee la fadhiyay shirka cadaado waxa iyaguna shirka ka cadhooday wadaadada suufiyada ah ee Ahlusuna waxanay ciidankooda ku amreen inay qabsadan guud ahaana la wareegaan maamulida magaalada dhuusamareeb oo ay horeba mudo badan uga talin jireen iyago laba arinba ku doodaya oo leh waa in maamulkan laga qayb galiya gobolka hiiraan oo ay iyagu haystaan qaybtiisa waqooyi balse dowladu isagana la maagan tahay inay raaciso Jowhar sidana uu ku noqdo maamul goboleed kale , wadaadada suufiyada ahi arinkaasi uma cuntamin , hadiise arinka an dhinac isaga riixo mar labaadka may helin Ahlusuna may helin miisaankay ka filaysay inay ka helayso maamulka cadaado markii Ergadiisa la waday oo ay dareemen in niman DAMUJADIID ahi awooda mesha ka socota iska maamulanayan , si kale oo qaawan hadan usii dhigo nimanka Suufiyada ahi waxay arkeen Gadh-dhuubtii ay kasoo yaacayeen oo xagana ugasiii horaysay taasina waxay ku keentay niyad jab siyaasiya oo soo wajahay .

 

Aan soo gabagabeeyo hadalkayga , waxanan kuso xidhi laha waa nin noocma madaxwaynaha hada la doortay ee Galmudug oo ah Cabdikariim Xuseen Guuleed ? Maxayna uga dhigan tahay dowlada federaalka.

 

Cabdikariim Xuseen Guuleed wuxu soo noqday wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Somalia xukuumadii raysal wasaare Saacid iyo tii Cabdiwali , wuxuna Cabdikariim xilka iska casilay mudo uu hayay ka bacdi markii aqalka baarlamanka Somaliya ay uga timi eedayn badan oo la leeyahay shaqadiisa muu gudan , ka bacdi waxa Cabdikariim Xuseen Guuleed loo magacaabay la-taliyaha arimaha Siyaasada ee madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud , xilkaana wuxu hayay ilaa hada oo loo doortay Madaxwaynaha Galmugud .

 

Cabdikariim Xusen wuxu soo qabtay xilal kala duwan iyo shaqooyin doora oo u badnayd arimaha bulshada , waxanan ka xusi karnaa kuwan:

– Agaasimaha Haayada Muslinka Africa

– Wuxu qayb kaso qaatay asaaskii barnaamijyo aqooneed iyo kuwa howleed jamacada SIMAD

– Gudoomiyaha naadiga FPEN oo ah xiriir ay leeyihiin dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dalka Somaliya

Inta waxaynu ku darayna Cabdirkariim wuxu ku hadla luqadaha Carabiga iyo English-ta si fiican .

 

Guusha Cabdikariim Xusen Guuleed waxay madaxda Muqdisho caawa uga dhigan tahay mid ah badhaadhe iyo inay dhiseen maamul si buuxa iyaga u hoos iman doona iyo sidoo kale saaxiib mudo dheer oo qabtay meel ku haboonayd , waxanay sido kale rajaynayan inay dhawan dhisan maamulkii labaad ee noocasa oo ah Baladwayn iyo Jowhar . hadii akhriste aan ka tagay ama aad is waydiinaysi Cabdikariim waa ayo laftiisu waa nin SACAD ah oo AYAALNE kasi ah.

 

Diyaariye : Mohamed Ahmedd
Qoraa/Siyaasi falanqeeya Arimaha Somalida.