Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee
Hargeysa ayaa maalinkii shalay 5 sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) kaasi oo lagu eedeeyay kicin dadweyne.
Sheekha ayaa lala xukumay 17 kale oo dhalinyaro ah, waxaana dhalinyarada sheekha la xidhnaa xabsiyadoodu u dhaxeeyaan 9-sano illaa 1-sano.
Sheekh Aadan Sunne ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay bishii September ee sannadkii 2017.
Sidoo kale 17 ka dhalinyarada ah ee sheekha Lala Xukumay laba ka mid ah ayaa la sheegay in waxba lagu waayey oo la sii daayey .