Deg Deg, Wasiir Dawlada Ethiopia ah oo laga dhigay Gudomiyaha Xisbiga Haya talada Degaanka Soomaalida

0

Wasiirka Isgaadhsiinta Ee  dawlada federaalka ah ee soomaaliya Axmed Shide ayaa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha xisbiga dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Wasiir Axmed Shide ayaa xilkan loo doortay ka dib markii ay soo dhamaadeen wada tashiyo maalmihii ugu dambeeyey ka socday magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Wararka ka soo baxaya xilka cusub ee loo doortay wasiirkii Isgaadhsiinta  ee Itoobiya Axmed Shide ayaa sheegaya inuu magacaabay guddi ka shaqayn doonta sidii shirweynaha xisbiga loogu qaban lahaa magaalada Jigjiga isla markaana loogu dooran lahaa gudoomiyaha rasmiga ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiir Axmed Shide loo badinayo inuu noqdo madaxweynaha rasmiga


ah ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya.