Deg Deg, Agaasimaha Guud bangiga Dhexe ee Somaliland oo si kadis ah Kormeer Ugu sameeyay bangiga Berbera iyo balanqaadyo uu sameeyay

0

Agaasimaha Guud ee baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo Ayaa Si kadis ah usoo Kormeeray Baanka Dhexe ee Berbera Xili aay Socotay Shaqada maalin laha ah ee bangigu, Waxaanu Kulamo la qaatay masuuliyiinta bangiga Isagoo  ka dhegeaystay warbixino  Shaqada baanka ah  iyo Ladagaalanka sixir bararka maadaama Berberi tahay  Xarunta Gancsiga Somaliland oo aay ku taalo Dekadii Berbera,

Maamulaha bangiga Dhexe ee Berbera Axmed maxamed maxamed jaamac oo Aanu Khadka Telofanka Ku waydiinay Kormeerkan Agaasimaha  Ayaa HWN u Sheegay in  Agaasimaha Guud  ee baanka dhexe Somaliland Axmed xasan Carwo Kormeerakan uu Ku Yimid Berbera aay qayb ka tahay  hawlaha Ukuur galka  shaqada bangiyada Somaliland ee Gobalada ku yaala, Waxaanu Agaasimuhu ku dar dargalinayaaayuu yidhi  shaqada,

Maamulaha bangiga dawlada ee  berbera Axmed jaamac Wuxuu Intaa ku daray In Agasimaha Guud ee baanka dhexe  uu balan Qaaday dayac tir balaadhan oo lagu samayn Doono bangiga Berbera ,

Hadaba baanka Berbera oo Ahaa Baanka ugu shaqada badan Bangiyada gobalada ku yaala ayaa xiligan u Muuqda mid laangadhe ah  waxanu tabayaa Shaqadii mashquulka ahayd ee uu u hayay Qaranka Somaliland iyo Ganacstada  Dekada berbera wax ka dhoofiya waxna kala soo dega,Xiligii dawlada Somaliland aay mamulaysay dekada Berbera. Sida La Ogyahayna shaqdii bangigana Berberi qaban Jiray waxaa qabta bangiyada Private ka ah ee dahabshiil iyo salaama oo iyagu si Toosa ugu Xidhan  Shirkada maamusha  dekada Berbera Dp World,

Hadhwanaag News Berbera

Yassin jama Ali