aniga inanka yar ee Ii soo hanjabay waxaan leeyahay adeer waxba ima yeeli kartida ee naxliga iyo xumaanta iska daa’Faysal Cali Waraabe

0

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa ka Jawaabay Hadalo Hanjabaad ah Oo ka soo yeedhay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland oo ahayd In Faysal Cali Waraabe Meel kasta oo uu joogo la Toogto.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Sido kale ka hadlay qaranimada Somaliland waxaana sido kale talo iyo baaq u soo jeediyay Guud ahaan umada Somaliland oo uu ugu baaqay In ay qaranmadooda Ilaashadaan oo ay ka dheeraadaan cid kasta oo dhexdooda dhib iyo cadawad ka dhex wada Waxana Uu Yidhi “Inankaas Yari Wuu iska Hadlay, Muxuu I Yeeli karaa, waxba igama qaadi karo, wuu iska hadlay, waxaanu muujiyay Garaadkiisa ee aniga ALLE ayaa qoray waxkhtigaan dhimanayo,wakhtigaygana kama horaynayo

kamana damaynayo, ee aniga inanka yar ee Ii soo hanjabay waxaan leeyahay adeer waxba ima yeeli kartida ee naxliga iyo xumaanta iska daa’

Eng Faysal Cali waraabe mar uu ka hadlaayay qaranimada Somaliland waxa uu yidhi “ qaranka Somaliland bilaash kumuu iman ee halgan iyo dadaal dheer ayaa loo soo maray marxalado iyo duruufo kala duwan ayaa loo soo maray, 27 sanno ee qaranimadeedna dhisaynay ee aan dawladnimadeedna dhisanaynay ee kolba wuxuu inugu soo kordha dhexdayada ka xalinaynay somaliya siday ahayd weynu wada ogsoonahay, waxa dhab ah in dadka reer Somaliland meel kasta oo ay jogaan iyo gobal kasta oo ay jogaan ay yihiin dad isku xaq ah oo isku xuquuq ah, lagamana yaabo in dhexdooda laga faa’iidaysto balse taladayda ayaa ah reer somalilndoow qarankeena ayaa duulimaad lagu yahay ee mar walba ahaada dad isku duuban

Soruce-Geeska Afrika