Madaxweyne Biixi Oo Dawlada Imaaraadka Carabta Ku Qanciyay In Ay Taageeraan Siyaasiyiinta Beesha Hawiye Ee Mucaaraday Xukuumada Farmaajo

0

Madaxweyne Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse  Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu dawlada Imaraadka carabta uu ku qanciyey inay taageeraan siyaasiyiinta Hawiye ee ka soo hor jeeda madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo .

Sidaas waxaa shalay qoray wargeyska Caanka ah ee Te Indian Ocean , waxaana uu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu go,aankaas qaatey kadib markii uu ogaadey in madaxweyne Farmaajo si qarsoodi ah oo aan toos aheyn u taageeraayo maamulka Puntland .

Warku waxaa uu sheegayaa in madaxweyne Biixi uu Nairobi u diray wakiilo u socdey , kulan lala soo yeesho siyaasiyiin ka socda beesha Hawiye todobaadkii hore .

Todobadkii hore waxaa magaalada Nairobi ku kulmay wakiilo ka socdey madaxweyne Muuse Biixi
kuwaas oo u soo bandhigay qorshe lagu taageeraayo Hawiye , ayuu yidhi Wargeysku .

Waxaana uu intaas raaciyey in madaxweyne Biixi uu Imaaraadka carabta uu hor dhigay in dantoodu ay ku jirto inay taageeraan Hawiye , lakiin wargeysku muu soo bandhigin , magacayada wakiilada ka socdey Madaxweyne Biixi ee socdaalka ku tagay Nairobi .

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegayaa in taaloobiyinkan u qaadey si uu uga hortago qorshayaasha madaxweyne Farmaajo ku taageeraayo maamulka Puntland iyo xoogaga kale oo doonaya in ay wiiqaan Somaliland .

Geesta Kale waxaa uu wargeysku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu boqorka dalka Qatar uu dhawaan la kulmay una bandhigay dareenka shakiga leh ee uu ka qabo xidhiidhka sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeya Imaraadka iyo Somaliland

Waxaa kale oo ay war bixintu sheegtay in dawlada Qatar ay madaxweyne Farmaajo kula talisay inuu ku dadaalo in uu helo taageerada Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali gaas , isla markaana uu ku qanciyo in uu u wareego siyaasada Qatar iyo Turkiga .

Qatar ayaasidoo kale Farmaajo kula talisay in uu ku dadaalo sidii uu ula kala hadhi lahaa siyaasiyiinta Somalida ee maamaamul gobaleed-yada oo dhawaan shir uga qabsoomay magaalada Baydhabo .

Kulanka Boqorka Qatar iyo Madaxweyne Famraajo oo qabsoomay ayaa waaa kale oo lagaga wada Hadley sida ay war bixintu sheegtay maamul gobaleed yada Somaliya oo badankoodu ka soo hor jeestay madaxweyne Farmaajo

Mr Farmaajo ayaa sida ay war bixintu sheegtay dadaal ugu jira inuu duufaano siyaasadeed uu ku kiciyo Madaxweynaha Galmadug Axmed Geele Xaaf oo ay war bixintu sheegtay in madaxweyne Farmaajo ka diiday inuu ka qeyb gali shirkii Maamul gobaleed yada ee ka dhacay Baydhabo

Source:- Geeska