Wasiir Koore oo Ka Hadlay Nabadgalyada Laascaanood iyo Mashaariic Biyaha ah oo lag Hirgalinayo Laascaanood

0

Wasiirka horu marinta biyaha somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay guud ahaan nabad galyada gobolka Sool iyo deegaanadii uu dagaalku ka dhacay ee Tuke-raq.

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale fariin u diray qurba joogta gobolka Sool, waxaanu faah faahin ka bixiyey halka ay marayaan mashaariicda la doonayo in magaalada Laascaanood loogu soo saaro biyo macaan.

Wasiir Saleebaan Koore oo ugu horayn ka waramaya xaalada nabad galyo ee gobolka Sool ayaa waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayey xaaladu u fiican tahay, wax dhib ah oo hada laga yaabaa ma jiraan, dadyow meelahaas marmaraya

oo kolba warbaahinta isa soo taagaya waa jiraan laakiin nabad galyada dalka iyo inta aynu joogno maamulkeedu aad ayuu u fiican yahay, ciidamada jiida hore-na aad ayey u nabad qabaan waanay fiican yihiin, magaalada Laascaanood si siman aad ayey u fiican tahay waanan wadnaa wixii qaab dawladeed ah ee maamulka iyo nabad galyada lagu dhaqaajin lahaa, dawladuna raashin ayey u qaybisay dad badan oo xiligan afur u baahna sida Tuke-raq oo kale kuwo kale oo badana hay’addo ayaa siiyey sida Xudun iyo Taleex iyada oo Xudun laga qaybiyey raashin la gaadhsiiyey 2000 qoys, Tuke-raq waxa la gaadhsiiyey 100 qoys oo dawladu u soo dirtay halka Taleex raashinkeedii uu jidka ku soo jiro.”

Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa intaas raaciyey “Markii ay abaaruhu jireen ayey hay’adduhu qoreen dadkan raashinka la gaadhsiinayo , iyada oo dabayaaqadii sanadkii hore ay hay’adduhu qoreen iyada oo xog ururin la sameeyey lagu keenay raashinkan.”

Sidoo kale wasiirka biyaha ayaa faah faahiyey mashaariicda biyaha macaan loogu soo saaray magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “Hadyo jeer dadku biyaha ayey ka hadlaan, Laascaanood-na biyo qadhaadh ayey leedahay marka la yidhaa biyo ayey u baahan tahayna biyo Macaan ayaa laga hadlaa, biyahaas macaana qorshahooda waxa wada SDF, waxaanan doonaynaa in meel la yidhaa Orgi yar oo xudun ka sokaysa, Sii Xawle, Adhi Cadeeye iyo dhaamam badan oo ku daadsan kala jabka iyo kala jeexa iyo kuwo kale oo badan oo aanu rabno inaanu qorshaha ku darno, biyaha laascaanood marka qorshahooda la dhameeyo hay’addaha caalamiga ah iyo xukuumada ayaa la hor dhigi doonaa, waxaana la bilaabayaa biyo gelinta magaalada Laascaanood.”

Sidoo kale wasiirka biyaha somaliland ayaa fariin u diray dadweynaha gobolka Sool ee ku kala sugan deegaanada kala duwan iyo wadamada dibada, waxaanu yidhi “Fidnadu way hurudaa qofka toosiya ayaana ka masuul, dadka Laascaanood degana waxaan leeyahay meel laga buuqo lama joogo ee dadkiina iyo dalkiina si nabad galyo ah oo sharaf leh ugu noolaada,  dadka borobogaandhada wadana waxaan leeyahay waar borobogaandhada  inaga daaya, ehel ayeynu nahay, walaalo ayenu nahay,  ilmaadeer ayeynu nahay, wiil iyo gabadh ayeynu nahay, wiil iyo aabihii ayeynu nahay, dadkuna waa inay wixii dhab ah ku wada noolaado, dhibtana ka daaya dadka, dad waayeel ah, dad caruur ah, dumar iyo qof xanuusanaya ayaa hadyo jeer marka war been ah loo sheego ka war waraya waxaan jirin, waxaanan leeyahay ilaahay ka yaaba oo dadka dhibta ka daaya, dadka dibadana waxaan leeyahay dadka wax tara dadku waxtar ayey u baahan yihiin.”