Bayaan uu ururka SSJW galabta Hargeysa ka soo saaray aya waxa uu ku dalbaday in Laanta Dambi-baadhista ee loo yaqaano CID -du ay faraha kala baxdo arimaha dacwad oogista ka dhanka ah saxaafadda madaxa banaan.Bayaanka SSJW oo dhameystiranna waxa uu u qornaa sidan:
justify;”> “Madaxda wargeyska Ogaal aya xalay waxa looga keenay Laanta Dambi-baadhista ee CID-da warqad yeedhmo ah oo uu ku saxeexanyahay Garsoore Axmed Cali Dalmar kaasoo ahaa garsoorihii 7/4/2015 saxeexay waarankii albaabada loogu laabay xarunta wargeyska Haatuf iyadoon maxkamad la hor keenin.Masuuliinta Ogaal waxay CID-du iyadoon xaq u laheyn wax ka weydiisay warar ku saabsanaa arintii Haamaha Kaydinta Shidaalka Berbera iyo Kartoonka Caraale Wadani oo wargeysku daabacay.Hadaba hadii aanu nahay ururka SSJW anagoo soo dhaweynayna go’aamadii ay Gudida Cadaaladdu todobaadkan soo saartay ee ay shaqada kaga caydhisay qaar ka mid ah garsooreyaashii mudada dheer ku suntana cadaalad-xumada iyo musuq-maasuqa aya waxa isu-kaayo dabooli la’ talaabadaasi oo ah mid aanu rajayneynay inay horseed u noqon doonto soo-celinta iyo taabo-galinta garsoor cadaalad ku dhisan iyo hadana garsooreyaashan wali ka warwareegaya inay dacwadaha Saxaafaddu ku eedaysantahay ku dabaqaan Xeerka Saxaafadda Somaliland ee labada aqal-baarlamaan ansixiyeen madaxweynuhana saxeexay ,garsooreyaashaasi oo ilaa hadda warbaahinta u adeegsanaya Xeerka Ciqaabta ee Somalia iyadoo ay Somaliland arimahaasi ka leedahay xeerka dhaqangalka ah ee aanu soo sheegnay.
Waxaanu Gudida Cadaaladda iyo masuuliinta waaxda Garsoorka si xishmad leh u xusuusinaynaa in Xeerka Saxaafadda Somaliland uu waajibinayo in dacwadaha khuseeya saxaafadda lagu qaado Xeerka Madaniga ah (civil law) oo aanay jirin sabab loola tiigsado xeerka ciqaabta(criminal law) ee ay qaar ka mid ah garsooreyaasha iyo Taliska Laanta CID-du caadeysteen inay u adeegsadaan warbaahinta madaxabanaan taasoo ah distoor-jabin caddaan ah.
Sidaas darteed ururka SSJW waxa uu markale ku celinayaa in cidkasta oo saxaafadda ka cabanaysa ama xad-gudub ka tirsanaysa ay xaq u leedahay inay ka soo dacwooto.Laakiin sida uu sharcigu dhigayo dacwadaha lagu soo oogayo saxaafadda waa in laga furtaa maxkamadaha si ay uga gar naqaan balse waxa shrciyan xaaraan ah in kiisaska caynkaas ah laga soo bilaabo Laanta CID-da oo iyadu qaabilsan baadhitaanka dambiyada culculus ee ciqaabta ah (criminal) sida Dilalka,Kufsiga,Dhaca iwl balse aanay wax shaqo ah ku laheyn baadhitaanka falalka madaniga ah (civil) sida kuwa saxaafadda lagu soo eedeeyo.
Waxaanu leenahay dawlad iyo garsoorba fadeexad ha ugu filaato xaruntii wargeyskii Haatuf ee albaabado loo xidhay iyadoon maxkamadi xukumin taasoo uu taliyaha CID-da Daahir Abraar madaxtooyada dhexdeeda isagoo jooga kula taliyey qoyska madaxweynaha in sharci daradaasi la yeelo iyadoo marki ay taasay dhacday dabadeed hadana Haatuf lagu soo oogay dacwad ay dhibaneyaal ka ahaayeen xildhibaan Cali Mareexaan,wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo wiilka uu madaxweyne Siilaanyo sodogga u yahay ee Baashe Cawil kuwaasoo halkii ay sida Haatuf qareeno ka soo qabsan lahaayeen ay Xeer-ilaanti dawladda iyo laantii dambi baadhistu isu kaashadeen u-doodistooda tii oo uu waliba garsoorihii dacwadda qaadayey,guddoomiyihii maxkamadda Gobolka Hargeysa iyo guddoomiyihii maxkamadda Rafcaanka ay intuba la safnaayeen..
Hadaba waxaanu bahda garsoorka iyo gudida cadaaladda labadoodaba ugu baaqaynaa inay sidii ay maxkamadaha dalku u dabiqi lahaayeen Xeerka Saxaafadda Somaliland isla markaana u waafajin lahaayeen xeerka habka madaniga ah ay falowgeed qabtaan.Waxa kale oo aanu laanta dambi-baadhista ka dalbanayna inay faraha kala baxdo arimaha dacwad-oogista khuseeya saxaafadda”