Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Bariga Iyo Badhtamaha Somaliland Ee SECJA Oo Cambaareeyay Xadhiga Wariye Mudo Todobaada Ku Xidhan Hargeysa

0

Berbera(BGN)-Shir Jaraa,id oo uu maanta Magaalada Berbera ku qabtay Ururka Suxufiyiinta ee Secja ayaa waxaa uu kaga hadlay isla markaana ku canbaareeyay Xadhiga weriye Khadar Xuseen Faarax oo ka tirsan Watgayska Yool oo Maalintii Todobaad ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa iyo waliba sidoo kale Gudoomiya Wargayska Ogaal Muuse Faarax Jaanbiir oo ay CID du uga yeedhay Xarunteeda Magaalada Hargaysa,waxaanu ururku ka digayaa Qawaacib Xumada ka dhalankarta Cabudhinta saxaafada madaxa banaan oo ay xukuumadu caadaysatay”secja4
Ugu Horayn Gudoomiyaha Ururka SECJA Yaasiin jaamac Cali oo shirkaas Jaraa,id ka hadlayana waxa uu yidhi”waxaanu ku baaqaynaa inhadii aanu nahay Ururka Secja in Suxufi Khadar Xuseen Faarax oo Maalintii Todobaad ku Xidhan Saldhiga Hargaysa Xoriyadiisa looso celiyo,Nidaamka aynu dhiganay iyo dastuurku wuxuu dhigayaa in Afar iyo Labaatan Saac aanu qofku iska Xidhnaan karin isagoo aan danbi lagu caday,waxay ahayd hadii uu danbi leeyahay i sifo sharciga waafaqsan loosoo maro,sidoo kale waxaan iyana halkan ka canbaaraynaynaa Gudoomiyahay wargayska Ogaal Muuse Faarxa Jaanbiir oo CID du u yeedhay waxaanu ku baaqaynaa in aan Gudoomiya wargayska laga xanibin shaqada uu Bulshada u hayo
Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Suxufiyiinta SECJA Axmed Muuse Maxamed (Sakaaro) oo sina Shirkaas Jaraa,id ka hadlayana waxa uu yidhi” waxaanu Canbaaraynayaa Xadhiga wariye Khadar Xuseen oo Maalintii Dodobaad ku xidhan Magaalada Hargaysa isla markaana laga soo xidhay isagoo ku guda jira Hawl maalmeedkiisii shaqo ee Uu Bulshada u hayay,ma aha markii koowaad ama labaad ee suxufi ay xidho Xukuumada hada jirtaa,waa caado ay yeelatay xukuumadu inay isku daydo inay daaha ku saarto xaqiiqda jirta xadhiga ay xidhayso Suxufi shaqdiisii ku guda jira,waxaanu cod dheer ku sheegaynaa inaanay marnaba istaagayn Shaqada ay bahada saxaafadu umada u haysaa,waxaa iyana jirta inay CID du u yeedhay Gudoomiyaha Wargayska Ogaal si loo Carqaladeeyo waajibaadkiisa shaqo,waxaanu ku baaqaynaa inay xukuumadu ka waantaawdo dagaalka ay kula jirto Saxaafada madaxa banaan leh.