Khilaaf Culus Oo Dhinaca Maamulka ah Oo La Sheegay Inuu U Dhexeeyo Gudoomiyaha iyo Xoghayaha D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale –

0
Tog-Wajaale(BGN)-Khilaaf adag oo dhinaca Maamulka ah ayaa, la sheegay in uu Maalmihii u dambeeyay u dhexeeyay Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Aadan Muuse Cilmi(shiine)  iyo Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Liibaan Maxamed Jibriil,waxaanay wararka Tog-Wajaale tibaaxeen in khilaafkoodu yahey kii ugu adkaa ee hada usoo baxa dibada.
Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale  Aadan Muuse Cilmi(shiine),oo shabakada Wararka Hadhwanaagnews wax ka weydiisey khilaafka maalimihii u dambeeyay u dhexeeyay isaga iyo Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale Liibaan Maxamed Jibriil ayaa, gaashaanka ku dhuftey in uu jiro khilaafkaasi isagoo sheegay in aanu habayaraatee jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya labadooda.
“Wax khilaaf ah oo noo dhexeeyaa majirto,aniga iyo xoghayaha warkaasina majiro”Ayuu hadalkiisa kaga baxey Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale mar hadhwanaagnews kula xidhiidhay khadka

isgaadhsiinta.

Dhinaca kale Xoghayaha D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale Liibaan Maxamed Jibriil oo aanu isku daynay in aanu dhinaciisa wax ka weydiino ayaaney noo suurtagalin kadib markii uu qaban waayay Telefoonkiisa Gacanta.
Haseyeeshee, sida dhabta ah khilaafkan u dhexeeya Xoghayaha D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale iyo Gudoomiyaha Degmadaasi ayaa, maalimhii u dambeeyay gaadhay meel xasaasi ah inkastoo Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale ku af gobaadsadey in aanu jirin khilaafkani waxa siweyn looga dareemayey dhaqdhaqaaqooda ay socdaal aan joogsi laheyn labada masuul ugu gaalaabixinayeen Gabiley iyo Hargeysa, iyadoo soo dhexgalka arintoodan ay ku guuldareysteen Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise(Shiine),oo lagu tirinayey in uu la saftey Gudoomiyaha Tog-Wajaale taas oo kaliftey in uu Xoghayaha D/hoose ee Tog-Wajaale dacwadiisa u gudbiyo dhinaca Wasaarada Arimaha Gudaha isagoo usoo kacey caasimada Hargeysa oo uu hada ku sugan yahay, waxaanay wararku sheegeen in khilaafka labadan masuul ka bilaabmey dacwado la xidhiidha dhulka kadib markii uu dhawaan Gudoomiyuhu fasaxey dacwad muran dhul ah oo ay isku haysteen Ganacsato kamid ah Ganacsatada Tog-Wajaale Dhamac iyo Ilma Xiirane taas oo fulinteeda Maamulku dhinac u janjeedhiyay sidaa daraadeedna ay isku khilaafeen Xoghayaha iyo Gudoomiyuhu, waxyaabaha kale ee ay dadweynaha Reer Tog-Wajaale sida aadka u hadalhayaan ee khilaafkan xudunta u ah waxa kamid ah isticmaalka dhinaca kharashaadka ee Masuulyiinta Degmda oo uu Gudoomiyaha ka sadbursadey Xoghayaha Fulinta iyadoo dalabaadka kharashka Maamulka intooda badani ka yimaadaan dhinaca Gudoomiyaha.
Sikasta oo ay tahey Dadweynaha iyo Ganacsatada Degmada Tog-Wajaale ayaa iyagu mudooyinkan dambe siweyn u hadalhayey khilaafkan oo la kowsadey markii ay xilkan la wareegeen Maamulkani islamarkaana ay guud ahaanba kaga duwan yihiin Maamulkii hore khilaaf soo noqnoqdey oo fudueyd badani ku jiro iyadoo, ay jiraan goldoloolooyin badan oo D/hoose ku wacad furtey dhinaca amaanka taas oo Maamuladii hore gacan badan ka geysan jireen.