Dhanka kale waxa uu ka mid ahaa ardayda lagu soo ururo ee afkooda la eego, marka ay hadlayaan. Ardayda ku suntan xarragada, toosnaanta iyo summadaha wanaagga ayuu Cabdiwaaxid ku jiray. Xilligaasi waxa aanu casharrada
dhigan jirnay gelinka dambe inta 13:30 duhurnimo iyo 05:30 galabnimo oo ah wakhti aad u kulul. Anigu markii aan halkaa laba gu’ ku jiray ayaan ka baxay, sababta oo ah waxa naloo beddelay gelinka hore oo aan iskuul kale dhigan jiray. Sidaas ayaan uga leexday aqoontii macaahidda oo aan ugu baydhay dhinaca iskuullada iyo jaamacadaha dawliga ah.Cabdiwaaxid waxa uu ahaa raggii sii watay tacliinta dugsiga hoose/dhexe oo uu ku dhammaystay Cumar Binu Khaddaab, markii dambena waxa uu u gudbay dugsiga sare ee Xamdaan. Xilliyadaa aanu ardayda ahayn waxa laga sheekaysan jiray casharrada dugsiga inta badan. Markaa fursad umaanu helin in aanu suugaan iyo arrimo kale wadaagno.
Waxay ahayd sannadkii 2005ta markii aanu Cabdiwaaxid isku aragnay Hargeysa, isaga oo markaa ii mariyay tix Shiinley ah oo uu curiyay. Wuxuu ku maansooday gabay midho ahaan, ujeeddo ahaan iyo hal-abuur ahaanba sarreeya marka loo eego da’diisa. Xilliyadaa ayuu soo nooladaay xidhiidhkii aanu lahayn, had iyo jeerna waanu kala war heli jirnay. Waxaanu wada qaadannay wakhti badan oo la isku weydaarsado aqoon, aragti, suugaan iyo sooyaalba.
Gabyaannimada waxa u dheer dhaqan-yaqaannimo xeel-dheer, af-yaqaan iyo codkarnimo. Marka uu gudbinayo tix iyo tiraab labadaba waxa uu ku daraa dhaqdhaqaaq jidheed oo ka qayb-qaata in uu dadka dhacsiisyo dulucda uu leeyahay. Wuxuu ka mid yahay ragga aan ka barto dhaqanka. Haddii ay buuruhu fig leeyihiin, haddii geelu kurus leeyahay, haddii ay suugaantu tahay inta afka u qiimaha badan, haddii laan-baartu ku taallo halka geedka u sarreysa, Abwaan Cabdiwaaxid wuxuu ka mid yahay hormoodka dhallinyarada calanka u sidda curinta maansada Soomaaliyeed. Waa gabyaa iyo geeraare tiriya dhudaha maansadaugu sharfan.
Suugaanta Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamaddiid waxa laga baahiyaa warbaahinta ay ka mid yihiin Muuq-baahiyihii ETN, Royal 24, SLNTV, Somaliland Space Chanel, Youtube iyo saxaafad kale oo isugu jirta kuwa la qoro iyo kuwa la dhegaysto intaba.
Maxay Aqoonyahannadu Ka Yidhaahdeen Cabdiwaaxid
12kii Mey sannadkii 2009ka, maarli Arbaca ah waxa aanu wakgti ku beegan 04:00tii galabnimo aniga iyo Cabdiwaaxid Cali Gamadiid ku booqannay hudheelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa oo uu deggenaa Qoraagii Caanka ahaa ee Aw Jaamac Cumar Ciise naxariistii janno Alle ha siiyo’e oo socdaal ku yimi Somaliland. Cabdiwaaxid Cali Gamadiid ayaa mariyay gabay uu curiyay oo magaciisa la yidhaahdo
“Waa waxa cirkii di’i jiriyo, dirirki loo waayay”.
Si fiican ayaanu uga bogannay aniga iyo Aw Jaamac Cumar Ciise gabayga uu marinayay Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamaddiid. Markii gabaygi dhammaaday ayuu la dhacay Aw Jaamac waxaanu yidhi weedho aan ka sii xasuusto“Adeer gabaygaagu waxa uu leeyahay dhismaha maansadii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan”. Bogaadin kaddibna wiilkiisa oo la socday ayuu ku yidhi “inoo qor taleefanka Cabdiwaaxid”. Markii aanu cabbaar wada joognay aniga, Cabdiwaaxid iyo Aw Jaamac Cumar Ciise waxa noo yimi Boobe Yuusuf Ducaale, Yuusuf Cismaan Cabdulle “Shaacir”, Axmed Aw Geeddi Maxamuud “Dheeraad” iyo Xasan Cabdi Madar oo u socday qaban-qaabada xaflad soo-dhaweyn ah oo Aw Jaamac loogu qabtay Hargeysa 14kii Mey 2009ka.
Aw Jaamac Cumar Ciise oo ah qoraagii ururiyay Gabayada Sayid Maxamed Cabdalle Xasan iyo taariikhdii Daraawiishtu waxa uu maansada Cabdiwaaxid ku labeeyay tii Sayidka. Ka geyoon maayo haddii aan dhex galo faallada shakhsiyadda, sooyaalka iyo falanqaynta suugaanta Abwaan Cabdiwaaxid Cali, waxaan jecelahay in aan idinla wadaago gabay uu tiriyay oo magaciisa la yidhaahdo Guurdoon.
Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamaddiid oo ka warramaya ujeeddada uu Gabayga Guurdoon u tiriyay waxa uu yidhi“Gabayga Guurdoon waxa uu ka hadlayaa laba xaaladood oo is huwan. Waa markii aan guurdoonka ahaa intii aanan xilaha yeelan. Guurdoonkaas dhul badan ayaan ku marayaa, dhaqan badanna wuu soo gudbin doonaa.
Gabayga waxa igu dhaliyay nin aanu saaxiib nahay oo Cabdiraxiin Ibraahin Cumar la yidhaahdo. Ninkaasaa had iyo goor, habeen walba igu odhan jiray maxaad u guursan weyday. Xilliyana meeris gabay ah oo uu caado u lahaa ayuu igu odhan jiray, kaas oo ah
Ma qalaanqal baad tahay maxaad, qoys u noqon weyday?
Guurka ayuu aad iigu tirtirsiyi jiray, isaguna wuu guur badnaa. Dabadeed waxaan ku idhi waa tuu Jaamac Diiriye Xuur lahaa
Cirku foore daruuriyo
Fasal buu ku da’aa
Miyaanay indho guurdoon iga muuqan waanigan is-gaafoodhinayee?. Wuxuu igu yidhi “Ha ka yaabin. Guurkaaga waxa ka dhaw minyaradii Ina Kulan”. Ninkii markaan tiraabta waxba kaga lillayn waayay baan dhinacii tixda ula baydhay. Markaa inaan guurdoon dhaba ahay baan uga warramayaa, inta arli een mari doono iyo dhibta iga gaadhay guurdoonka ayaan u sheegayaa. Sidoo kale gobannimadii Soomaaliyeed iyo dawladdii oo aan raadinayo ayuu gabayga qasdigiisu yahay. Labadaa mabda’ ee guurdoonka iyo dawladnimada ayuu xambaarsan yahay”.
Waa kuwan meerisyadii Gabayga Guurdoon:
Cabdiyow beryahan waan ka go’ay, gabay araartiiye
Markuu tuushku wada guuxay baan, kayga gaabsadaye
Gubni dulina baa lagu salliday, waanan gigayaane
Heemaashigaa gelelafiyo, gurucya-dheertiiye
Geel-toosiyaa hiigayiyo, guuf ku raadsiga’e
Gafaniyo gabaarreyda iyo, dhoobleydaa ganiye
Goggay junidu uga buuxsantoo, waa geddaan dhabade
Gabargaashay, guudantay oo, gaarufyaa dilaye
Anoon hadalka goolaftan iyo, gooddi uga jeedin
Gorgorradan iimaan beelay baan, gees ka marayaaye
Haddaan hadalka geel-daaq fog iyo, guudka kore saaray
Hashii gorofka lagu maalayiyo, gaawihiyo dhiilka
Gaaweeto qaar baa la gala, labada gooroode
Gujo iyo qaniinyiyo ul bay, gawda ku hayaane
Xaglo-geel guntigu qaadi-waa, gelina maayaane
Inkastoo la ganac gooyo ood, nadi ku guulguusho
Gaadhi maayo qaajuhu baroor, goobta lays helo’e
Kol haddaan se godol qaado oon, mariyo geeraarka
Gabno ayaddinaa liidatee, goodir baan ahaye
Gorofkaa la ii madhinayaa, boqol kun oo goore
Gabbaan iyo nin gawdh-gawdhayana, waa ka garanuuge
Iga gunud, mid loo guuxay baan, idin garwaaqsiine
Afartaasi waa gaaxda hore, gogol-dhiggeediiye
Bal aan galayaxiibaa hadhee, idin garwaaqsiiyo
Cirku wuxuu gudnaadaba markii, gu’gu hillaacaayo
Waa inuu gulaan iyo ufiyo, galaha keenaaye
Waxaan uga gol leeyahay haddaan, kuu galgaal bixiyo
Cabdiyow inaan guur damcoon, geliyay laabtayda
Allaylehe ninkii gaasa baxay, wuu i maah garane
Is-gaafoodhintaa iga saloon, la igu gaadhayne
Guntigaan shullaha geeyay iyo, labada geesoode
Go’a shaal ah baan jiidayaa, goor iyo ayaane
Hadba garangar iyo beel degtaan, socod ku gaadhaaye
Intaa godanka mid an joogin baan, gacan togaalaaye
Googgaadu way badatay iyo, ul iyo geeraare
Ujeeddada haddaan gaadho oon, gobo’da kuu taabto
Awrkaygu wuu kala go’oo, guuxa demin waaye
Dhibidaa gollaha hooraysiyo, labada geesoode
Afartii godnaabuu beryahan, kaga galaydh-shaaye
Tawaad lagu gagabayaa ka di’i, giirka saynta lehe
Hadba doob gariir weyn leh buu, qun u garaacaaye
Waa kaa boggii golongaleen, geedo sare hayne
Giddi maalintii buu tisciin, gaadhka ka hayaaye
Kolba tuush xun oo guuxayuu, “galaw” ku siiyaaye
Tiftuu gobolidii xayliyuu, gororshay qaalmaaye
Galooftiyo abeer seleluu, gudub u tuuraaye
Gungumaacsiguu labada hore, kaga “gig” siiyaaye
Waxba hadalka yaan guro fogeyn, kuuna guud marine
Gogol qaac leh, gaaf diirran iyo, guri la seensaabay
Anba inan dabaylaha ka galo, waw golmoonahaye
Gabadh quruxsan, mid an gaato iyo, gololo maarriina
Intaan gudan intaan goobayeen, gees walba u rooray
Goobjoogga waataad ahayd, goor iyo ayaaye
Gadabiirsi iyo Ciise iyo, gaanka Sacad Muuse
Guban iyo ilaa Saaxil iyo, Golis intaa taalla
Gatiitalay ilaa Gacan-libaax, tan iyo Gaashaamo
Qabiilkaa arlaa’iga gogliyo, geeshka Habar Yoonis
Giddi Habarjecliyo Muusayaal, nimanka loo gaadho
Gelingaalle, gooddiga Nugaal, Ili gar raarkeeda
Badda Garacad, meeshiyo Goldheer, gudubsinkaa xeebta
Gashiishiyo Dhulbahantiyo ilaa, bari guntii oo dhan
Gadhcas iyo Majeerteen ilaa, guri Mareexaana
Gaalkacayo Cayr iyo Saruur, nimanka loo gaadho
Galguduud Kismaayiyo Jubbiyo, Gediyo Boosaaso
Gobollada Shabeelliyo Bakool, udubka gawdiida
Xamar goonyaheediyo Hawiye, labada geesoodba
Garre iyo illaa Geriga iyo ,godanka Mooyaale
Gaadsan iyo Shariiftiyo halkiyo, guriga Sheekhaashta
Goday iyo Ogaadeen ilaa, sidiyo Geel-loo-kor
Go-golay illaa Gawlalliyo, gooddiyada Faafan
Gurdumiyo Awaariyo Gurracan, gulungulkaa Koorre
Gilimays Jidwaaq iyo Bartire, tan iyo Guuyoowe
Gadhka Yogol Guraysiyo ilaa, Seylac gudaheeda
Balligubadle Arabkaa gobtaa, geed-labka Isaaq
Godkan Herer, gudaha Ciidagale, tan iyo Gaaroodi
Gambadhiyo Garduur iyo ilaa, Sugumo guudkooda
Cidhiidhyaha goshoodiyo halkuu, geelayagu daaqo
Soomaalidu geyiga ay degtaba, gebi ahaanteeda
Meel aanan guurdoon ku marin, waanan garanayne
Gabbal-dhacay, cadceed gaabatiyo, waaqla’ laga guuray
Jabad guuna, meel guri-casiyo, galangal oomaara
Illi gabadha, dhul Giriyaada iyo, gawyo iyo laago
Aril galawga iyo fiinta iyo, ciyawgu goohaayo
Wax badanbuu gabaahiir habeen, iigu soo galaye
Wax badanbaan gudoodiga mirtii, jiidhay geedaha’e
Halaq gama’san, jelbis guuxaysiyo, xanasha oo “guu”leh
Wax badan baan mas geyllaansan iyo, good ku joogsadaye
Organ golos leh, bahal goomman iyo, gool wax raminaysa
Gucumaale aad iyo shabeel, gaajo dubayoobay
Gaaruflow dhurwaa iyo dugaag, sabarku goojoobay
Wax badanbuu libaax “gaw” leh iyo, gaannigu i sigaye
Wax badanbaan galiilyada cabsida, aayar gaabsadaye
Guluf iyo col gaatamahayiyo, gaade soconaaya
Wax badanbaan u galay aayar oo, lay gabraarsadaye
Wax badanbuu rasaas igu gembiyay, gaadh mirtii dhexe’e
Garanuugta iyo deeradiyo, goodirkiyo cawsha
Saryan geeso weyn iyo biciid, farawgu goobeeyay
Gumburiga na fiigtaamayiyo, yarista gaaggaaban
Wiyishoo gadooddiyo arbaha, gacanka jiidaaya
Gorayada wax badan baan didshiyo, gerigi dheeraaye
Cir godaladay, gufaaciyo hillaac, karar gawaamaaya
Wax badanbaan gudgude soo curtiyo, geydha qaayibaye
Gabadanaba deyrtii dhacdiyo, gawre iyo juube
Gabayoox bannaan iyo dhul aan, laga geyoonaynin
Wax badan baan galluubnaan ku maray, goor habeen dumaye
Wax badanbaan gacmaha laabtayoon, geliyay feedhaaye
Golcas iyo kaliil dhaharatoo, guunyadu idlaatay
Wax badanbuu jidaashaan u go’ay, suudigu i gubaye
Wax badanbaan gucliyo guure iyo, guulka laasimaye
Wax badan galxood sahayday iyo, Goray liskeediiye
Wax badanbuu warkaygii u galay, gaaliyo Islaame
Intii hawl i gaadhoo qudhaan, laga geyoonayne
Waxan hadal ku soo goynayaa ama ku soo gaabshay
Geesaaska iyo baanisaha, midiba waa gaare
Weli raadkiba baan gurahayaa, jeer an gaadhaba’e
Insha Allahu waan soo gelbine, gooshkanna i dhawra
ShareThis – See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=162533#sthash.kSKZDsRR.dpuf