Cimraan Khan oo qeylo dhaan ka soo dhex diray xabsiga iyo nolosha dhabta ee uu ku nool yahy

0

Dowladda Federaalka ayaa ku andacootay in aysan run ahayn sheegashada Cimran Khan oo ku xiran xabsiga Adiala ee ah in lagu hayo meel kali ah oo aan loo ogoleyn in uu la kulmo qareeno.

Sheegashadan ayaa lagu sheegay Dokumenti ay dowladda federaalka si rasmi ah ugu gudbisay maxkamadda sare, kaas oo lagu xusay magaca ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Raja Muhammad Shafqat Abbasi. Dukumentiyada uu maxkamada ku soo bandhigay ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Pakistan waxaa sidoo kale ku saxiixan kormeeraha xabsiga Adiala.

Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in sawirada ku jira ay ka hadlayaan nolosha Imran Khan ee xabsiga iyo tasiilaadka u furan sida ay dowladdu sheegtay. Isla mar ahaantaana, dukumeentiyadani waxay sidoo kale bixinayaan faahfaahinta kulamadii qareennada, siyaasiyiinta iyo xubnaha qoyska ee Imran Khan.

Waa maxay dukumentiyada dowladda ee muujinaya nolosha ra’iisul wasaarihii hore Imran Khan ee xabsiga, ka hor inta aan la ogaan waxa ay dowladdu ka leedahay xogtaan.

Intii lagu guda jiray kiiska wax ka beddelka NAB ee maxkamadda sare ayaa la helay muuqaal muujinaya in lagu hayay meel kaligiis ah oo aan loo ogoleyn inuu la kulmo qareeno.

Iyadoo la tixraacayo isla hadalka Imran Khan, jawaabta dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in si xaqiiqo ah arrintan loo soo bandhigo, lana keeno diiwaanka shirarkii lagu qabtay xabsiga iyo sawirrada goobta.

Waxa kale oo qoran in haddii ay maxkamaddu u aragto inay ku habboon tahay oo lagama maarmaan tahay, ay u magacaabi karto guddi xaqiijiya xaqiiqooyinka loo soo gudbiyay maxkamadda.

Haddaba aan aragno waxa sawirada ku jira dukumentiyadaan ay nooga sheegayaan nolosha Imran Khan ee xabsiga. Ogsoonoow in BBC aysan si madaxbanaan u xaqiijin karin sawiradaan iyo sheegashooyinka ku jira dukumeentigan, si kastaba ha ahaatee Tehreek-e-Insaf ayaa xaqiijiyay sawirka qolka Imran Kh

Aragtida ah in Imran Khan uu ku nool yahay nolol raaxo leh gudaha xabsiga waa qalad”

Qareen Naeem Haider Panjuta oo ka mid ah qareenada Imran Khan ayaa sheegay in la xaqiijiyay in Imran Khan uu ku sugan yahay xabsiga ayna qalad tahay in la bixiyo fikrad ah in uu xabsiga ku heysto nolol raaxo leh.

Isagoo la hadlayay BBC, ayuu ku andacoodey in “Sawirada maanta lagu soo bandhigay maxkamadda, aysan ahayn kuwa ka turjumaya xaqiiqada uu ku jiro ra’iisul wasaarihii hore, laakiin Imran Khan waxaa lagu hayaa qolka dhimashada.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay in horay ay dowladda u sheegtay in Imran Khan uu daganyahay 8 qol balse uu ku jiro hal qol oo cabirkiisu yahya 8/10.

“Ma jiro qaboojiye qolkan sidoo kale, ma jiraan adeegyo noocaas ah oo Nawaz Sharif uu helay.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in marka la barbardhigo buugaagta Imran Khan, uu Zulfikar Ali Bhutto uu heystay qalabkii buugaagta, ee uu ku qori jiray gudaha xabsiga, balse Imran Khan uusan waxba ku qori karin gudaha.

Isagoo ka hadlayay liiska martida u timid inay la kulmaan Imran Khan oo xabsiga ku jira, Naeem Haider Panjuta ayaa sheegay in amarro isdaba joog ah oo ka soo baxay maxkamadda sare ee Islamabad, Imran Khan loo ogolaaday inuu la hadlo dadka siyaasiyiinta, laakiin aan loo ogoleyn carruurtiisa.

an ee xabsiga.