Trump oo sheegay inuu soo celin doono mamnuucista 7 dal oo Islaam ah

0

Donald Trump, oo ah tartamaha loo badinayo inuu xisibga Jamhuuriga u matalo doorashada madaxtinimo ee Maraykanka, ayaa sheegay in haddii dib loo doorto uu soo celin doono mamnuuciddii dhinaca socdaalka ee uu ku soo rogay dalal ay dadkoodu Muslimiin u badan yihiin.

Mamnuuciddan ayaa ahayd mid muran badan dhalisay muddadii uu Trump xilka hayey, waxaana dalalkaas ku jiray Soomaaliya. Arrintan ayaa waxaa beddelay Joe Biden, markii uu xilka la wareegay.