Golaha ammaanka ee QM oo isku raacay qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah

0

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meelmariyey qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka hirgasha marinka Qaza, inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan, taas oo haatan maraysa kala badh.

Qaraarkan ayaa sidoo kale dalbanaya in si degdeg ah oo bilaa shuruud ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha, lana qaado dhammaan caqabadaha la hordhigay gargaarka bini’aadanimo iyo in bedqabka dadka rayidka ah ee Qaza.

Qaraarkan ayay soo diyaariyeen 10-ka xubnood ee meertada ah ee ku jira golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana meelmariyey 14 dal, halka Maraykanku uu ka aamusay, taasoo fududaysay in qaraarkani dhaqangalo.

Waa markii sideedaad ee golaha ammaanku isku dayo inuu qaraar xabbad-joojineed ka soo saaro dagaalka Qaza, hase ahaatee intooda badan wuu ku guuldaraystay.