Muxuu Putin sameyn doonaa kadib baroordiiqda dadkiisa la laayay?

0

Wadada New Arbat eek u taalla caasimadda Ruusha ee Moscow, ayaa waxaa lagu jiraa safaf dhaadheer halkaas oo ay yaalaan shaashado aad u waawayn.

Waxaa halkaas dadka oo dhami ku soo bandhigayaan masawiro waawayn oo kala ah; shumac holcaya iyo erayga af Ruushka ah ee “skorbim” oo macnihiisu yahay (“Waa barooraneynaa”)

Ruushka ayaa u baroor diiqaya dadkii lagu laayay xasuuqii ka dhacay hoolka ruwaayadaha ee Crocus City. Ila aiyo hadda tirade dhimashada ayaan la so oaf meerin, maadaama wali maydad laga baarayo gudaha hoolka.

Waddanka oo dhan calanka saddex midablaha ah ee Ruushka ayaa babanaya isaga oo hoos la dajiyay kala bar halkii saree e uu ka Baban jiray.Inkasta oo aysan ku oolin xudin Moscow, hadana hoolka Crocus City ayaa ka mid ah meelaha ugu caansan ee muusigga lagu soo bandhigo gudaha Ruushka.

Laakiin weerarkii dhiigga badan ku daatay ee dhacay Jimcihii ayaa waxa uu xafladii muusiga u badalay meel raran ah. Kooxda weerarka soo qaaday kaliya ma aysan adeegsan rasaas, balse sidoo kale dadka qaar ayay gubeen. Waxay dab qabadsiiyeen dhismaha kaas oo sababay dad aad u xoogan. Muuqaal ay siidaayeen baarasha Ruushka ayaa waxa uu muujinayaa in saqafka kore uu soo dumay, sidoo kalana ay soo daateen birihii ku jiray dhismaha.

Banaanka hore e dhismaha ayaa wali waxaa ku sugan ciidamada booliska. Goobta uu taagan yahay wariyaha tifaftiraha BBC da ee Ruushka ayuu ka arki karaa qayb dhan oo ka mid ahayd dhismaha madadaalada oo gubata. Waxay tusaale yar u tahay burburka xoogga leh ee gaaray gudaha. Dadyow kala duwan ayaa ku jira safaf, si ay ubaxyo u dhigaan goobaha kumeel gaarka ah ee loo sameeyay xuska dhibanayaashii naftooda ku waayay dhacdada. Ubaxyada iyo waxyaalaha kale ee tacsida ee goobta la dhigayo ayaa u ekaan raba buur yar iyaga oo sii badanaya, maadaama dadku ay keenayaan ubaxyo iyo boombalayaal fudu. Sababta loo keenay boombalayaasha ayaa ah in caruuri ku jirtay dadka dhintay.

Dadku waxay sidoo kale ka tagayeen fariimo. Mid ka mid ah fariimaha ayaa waxay ku socotay ragii weerarka soo qaaday.

Dadka isugu yimid goobta ayaa waxay isugu jireen kuwa careysan iyo kuwa murygeysan intaba.

“Dalka waadnaha ayaa aad u xanuunaya,” sidaas waxaa yiri Tatyana oo u timid goobta in ay ubaxyo dhigto. “Ruuxdeydu way oyneysaa. Ruushku wuu oynayaa.. Da’yar badan ayaa la laayay. Waxaan dareemayaa sida in cunugeygii uu dhintay oo kale.”

“Waxay aheed naxin wayn,” ayuu yiri Roman. “Waxaan deganahay meel dhaw, wixii dhacay oo dhan daaqada ayaan ka arkayay, waxayna ahayd musiibo wayn.”

“Cid walba oo ka dambeysay waxaan, bani’aadan maahan. Waa cadawgeena,” ayuu yiri nin hawlgab ah oo lagu magacaabo Yevgeny. “Waxaan ila tahay in soo celiyo sharciga toogashada, ugu yaraan argagixisada darteed.”

Kooxda sheegata Dawladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka iyo in ay ka dambeysay xasuuqii ka dhacay hoolka Crocus City. Kooxda ayaa baahisay muuqaalka naxdin oo ay ka muuqdaan kooxda weerarka soo qaaday oo laynaya dad hal goob isku buurtay.

Falcelin kala gedisa.

Masuuliyiinta Ruushka ayaa waxay soo jeedinayeen in weerarkaan ay si uun ugu lug leedahay Ukarine ayna ka dambeyso xasuuqaan.

Khudbad oo shalay oo sabti ahayd uu ka jeediyay talafishinka madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin ayaa waxa uu sheegay in afartii nin ee la qabtay ay doonayeen in ay u baxsadaan dhinaca Ukraine. Waxa uu ku eedeeyay “Dhinaca Ukarine in ay ugu diyaarsanaa qorshihii ay ku bixi lahaayeen oo ay xaduuda uga talaabi lahaayeen.”

Kyiv ayaa iska fogeysay eedeyntaas. Balse taasi wali kama baajin falanqeeyayaasha siyaasadda In si uun ay ugu lug lahaysiiyaan weerarkaan dawladda Ukraine.

Wargeyska dawladda taageera ee lagu magacaabo Moskovsky Komsomolets ayaa daabacay warbxin ciwaan looga dhigay “Ukraine waa in loogu yeero maamul argagixiso”,.

Taas ayaa waxay keentay in la is weydiiyo su’aasha ah. Sideebaa Kremlin ku uga fal celin doonaa weerarka burburka geystay? Malaga yaabaa in madaxda Ruushku ay ka dhigtaan dhacdadaan sabab ay sare ugu qaadaan dagaalka ka dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.