Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa weerarka ka socda hoteelka SYL

0

Dagaal-yahanno ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday hoteel ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo ammaan u sheegeen warbaahinta.

Kooxda ayaa hore u weerartay hoteelka SYL, oo ay caan ku yihiin saraakiisha dowladda.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo weriyay qaraxyo iyo rasaas laga maqlay hoteelka, iyagoo wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalyahannadu ay weli gudaha ku jiraan.

Weerarka weli waa uu socdaa, ilaa iyo haatan si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay mana jirto xog kasoo baxday dowladda Soomaaliya.

“Mujaahidiinta hubeysan ayaa gacanta ku haya hoteelka waxayna tooganayaan shaqaalaha iyo saraakiisha” dowladda ee hoteelka, ayay al-Shabab ku yiraahdeen war ay soo saareen oo ay ku sheeganayeen mas’uuliyadda weerarka.

Faarax Cali, oo ka mid ah dadka ku nool agagaarka xafiiska madaxweynaha ayaa Reuters u sheegay: “Waxaan marka hore maqalnay qarax weyn, kadibna rasaas ayaa xigtay. Waxaan u maleyneynaa in dagaal-yahannadu ay gudaha ku jiraan [hoteelka] waxaanan maqleynaa rasaas la is dhaafsanayo.”

“Dhowr dagaal-yahan ayaa xoog ku galay dhismaha kadib markii ay soo jiireen ayna qarax xooggan ku burburiyeen derbiga,” ayuu sarkaal waaxaha ammaanka ka tirsan u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya qaar ayaa lasoo warinayaa in ay dhaawacyo soo gaaraeen siyaabo kala duwan, sida qoysaskooda ay warbaahinta u sheegeen.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa xalay Isbitaalka Erdogan ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarka.

Wasiirka oo la hadlay qaar ka mid ah dadka dhaawacoodu fududaa ayaa u rajeeyay so kabasho degdeg ah.

Maaddaama uu hoteelku madaxtooyada u dhowyahay waa bartilmaameed isla markaana dowladda oo arrintaa ku baraarugsan ayaa si aad ah u ilaalisa hoteelka iyo nawaaxigiisaba.

Marka laga soo tago miinooyin la dhigo dhinacyada waddooyinka iyo hoobiyeyaal, muqdisho way ka ladnayn weerarrada lagu qaado xarumaha dawladda iyo hoteellada bilihii u dambeeyay.

Xasan Nuur, oo ka booday derbiga ayaa yiri: “ma garan karo khasaaraha balse waxaa jiray dad badan oo gudaha ku jiray markii uu weerarku billowday.”

Goobjoogayaal kale ayaa sheegay inay arkayeen booliiska oo imaanaya kadib daqiiqado uu socday weerarka, taasoo keentay inay dagaal la galaan kooxda.

Weerarrada ayaa ku yaraa Muqdisho toddobaadyadii la soo dhaafay kadib markii ammaanka aad loo adkeeyay ayna dowladdu xoojisay dagaalkeeda militari ee ka dhanka ah kooxda al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku heysa qeybo aad u badan oo ka mid ah koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kooxda ayaa xiriir la leh al-Qaacida waxayna ku dhowaad 20 sano dagaal ba’an kula jirtaa dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ay taageerto.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay la kulmay saraakiisha gaashaandhigga si loo qorsheeyo in dib kooxda dib looga qabsado meelaha gacanta dowladda ka baxay, sida ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ee Sonna.

Waa koox ay argagixiso u aqoonsan yihiin dalal ay ka mid yihiin UK iyo Mareykanka. Mareykanka ayaa militari ahaan usoo farogeliyay Soomaaliya si uu kooxda ula dagaallamo.

Laba iyo labaatankii Jannaayo ee sannadkii 2015, waxaa hoteel SYL ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari lagusoo raray walaxa qarxa, waxaanu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Burbur xooggan ayaa xilligaas soo gaaray hoteelka oo la sheegay in markaas ay ku sugnaayeen masuuliyiin aan waxba ku noqon oo ka tirsanaa dawlad goboleedka Puntland.

Qaraxa dhacay 2015, ayaa kusoo aday xilli amniga Muqdisho aad loo adkeeyay maaddaama maalinkii xigtay ee 23-ka bisha la filayey in uu yimaado madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas raysal wasaare ahaa.

Bishii Agosto ee sannadkii xigay hoteelkan ayaa lala beegsaday qarax loo adeegsaday gaari, kaas oo dhaliyey khasare ballaaran.

Sida ay BBC-da u sheegeen xilligaas ilo kala duwan oo caafimaad; dad ka badan labaatan qof ayaa ku dhintay halka intaas ka bandanna ay ku dhaawacmeen.

Qof goobjooge ah oo markaas ay la hadlay BBC-du ayaa sheegay inuu arkay dad badan oo dhaawacmay. Burbur culus ayaa markaas soo gaaray hoteelka.

Hotelka SYL oo ku yaala xarunta madaxtooyada agteeda, ayaa lagu qabtaa shirarka waaweyn, waxaana ku badan saraakiisha dowladda.

Hoteelkan oo markaas la qorshaynayey in lagu qabto shir looga hadlayo amniga ayey ku dhaawacmeen wariyeyaal dhowr ah oo ku sugnaa xilliga weerarku dhacayey.

Waxaa weerarkaas dhacay 2016-kii sheegatay kooxda al-Shabaab.

Dagaal-yahannada kooxda ayaa lagu yaqaannaa beegsashada hoteellada, oo uu ka mid yahay SYL oo ay mar kale weerareen sanadkii 2019.

Sanadkii 2022, kooxda ayaa gashay hoteelka Villa Rays oo isla caasimadda ku yaalla, iyagoo halkaas ku dilay ilaa 14 qof.

Saddex sano kahor inta aysan gelin Villa Rays hotel, ugu yaraan 26 qof, oo ay ku jireen weriye caan ah iyo dhowr ajaanib ah, ayaa lagu dilay weerar ka dhacay hoteelka Cascasey oo ku yaalla magaalada Kismayo, ee koofurta Soomaaliya.