Sida uu wiilkan yar u badbaadiyay 63 arday ka dib markii darawalkii gaariga uu miyir daboolmay

0

Lix iyo lixdan arday oo dhigata iskuulka Michigan ee dalka Mareykanka ayaa dhammaantood badbaaday ka dib markii uu si degdeg ah u fakaray wiil 13 jir ah kana mid ahaa ardayda kaas oo baska iskuulka la saarnaa ardayda, sida ay sheegeen saraakiisha.

Wiilka ayaa go’aan deg-deg ah qaatay ka dib markii darawalkii waday baska uu miyir daboolmay.

Ardyaga oo la yirahdo Dillon Reeves oo ka tirsan Dugsiga Dhexe ee Carter ee Warren ayaa dhanka hore uga booday kursigiisii ka hor inta uusan gacanta ku dhigin bareegga gaariga.

Muuqaal ayaa muujinaya darawalka baska oo farriin u diraysa saraakiisha oo u sheegeysa in aanay caafimaadkeedu wanaagsanayn.

 

Ardayga ayaa waxay magaalada u aqoonsatay inuu halyeey geesi ah yahay.

“Aad baan ugu hanweynahay ficilladaada geesinnimada leh!”Jonathan Lafferty oo ah wakiilka goolaha deegaanka Warren ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook sidaasi ku soo qoray.

Markii ay arrintu dhaceysay oo ahayd Arbacadii ardayda ayaa ka soo laabanaysay dugsiga dhexe ee Carter ka dib markii darawalkii baska “uu noqday mid miyir daboolan”, sida uu sheegay madaxa dugsiga Robert Livernois.

Fiidiyowga dhacdada, oo la sii daayay Khamiistii, ayaa muujinaya darawalka baska oo farriin u diraysa raadiyaha saraakiisha iyadoo u sheegaysa in aysan caafimaad qabin lagana yaabo in ay sii daciifto.

Wax yar ka dib, markii dareewalku uu awoodi waayay xakameynta isteerinka, waxaana la maqlayay ardayda oo qaylinaysa markii basku bilaabay inuu ka leexdo leenkiisa.

Mr Livernois waxa uu sheegay in Dillon uu arkay “darawalka oo dhibaataysan” ka dibna “uu u tallaabay dhinaca hore ee baska si gacan uga geysto inuu baska istaago”.

Kadib u uku guuleystay inuu joojiyo baska oo ay saarnaayeen 63 arday ah ayuu Dillon wuxuu ku qayliyay “qof hadda ha waco khadka degdega ah 911.”

Ilaa hadda lama oga sababta keentay xanuunka darwalka baska. Horay uguma aysan dhicin arrintan oo kale iyadoo wadda baska iskuulka.

Markii ay booliisku waceen waaliddiinta Dillon, aabbihiis, Steve Reeves, ayaa naxay oo markiiba waydiiyay “muxuu sameeyay wiilkayga?”

Saraakiisha ayaa yiri, “maya waxba ma uusan sameyn, wiilkaagu waa geesi”, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Xildhibaan ka tirsan magaalada, oo qiyaastii 30 daqiiqo waqooyi ka xigta Detroit, ayaa ku ammaanay Dillon “inuu baska ku guuleystay in baska uu istaajiyo taas oo horseedday in laga hortago dhacdo noqon kartay shil naxdin leh”.