Janaraal Xamdan oo hal shuruud ah ku xiray wadahadal uu la galo janaraal Burhan

0

 

“Ma doonayno inaan burburino Suudaan,” ayuu yiri, isagoo ku eedeeyay taliyaha ciidamada Gen Abdel Fattah al-Burhan inuu mas’uul ka yahay rabshadaha

Mid ka mid ah jeneraalada dagaalka Sudan, oo hogaaminaya ciidamada RSF ee dagaalka kula jira Milatariga dalkaas, ayaa BBC-da u sheegay in aanu wax gor-gortan ah geli doonin ilaa uu dagaalku ka dhammaanayo.

Laakin Janaraal Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaano Hemedti, ayaa sheegay in dagaalyahanadiisa si “aan joogsi lahayn” loo duqeeyay tan iyo markii la kordhiyay saddex maalmood oo xabbad joojin ah.

“Ma doonayno inaan burburino Suudaan,” ayuu yiri, isagoo ku eedeeyay taliyaha ciidamada Gen Abdel Fattah al-Burhan inuu mas’uul ka yahay rabshadaha.

Janaraal Burhaan ayaa si kumeel gaar ah u aqbalay in wadahadalo fool ka fool ah lagu qabto Koonfurta Suudaan.

Kordhinta muddada xabbad-joojinta aan fududayn ayaa daba socotay dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay wadeen waddamada deriska ah, iyo sidoo kale Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay.

Isagoo taleefoonka kula hadlay BBC, Hemedti wuxuu sheegay inuu u furan yahay wadahadal, balse shuruuddu ay tahay in dagaalka la joojiyo. “Intaa ka dib waxaan yeelan karnaa wadahadal.”

Wuxuu sheegay inuusan wax dhibaato ah kala kulmin Gen Burhaan, balse uu u arko inuu yahay khaa’inul waddan doonaya in dowladda soo geliyo kuwii daacadda u ahaa madaxweynihii hore ee Cumar Al-Bashiir, kaasoo ay milatariga iyo RSF si wadajir ah xilka uga tuureen sannadkii 2019-kii, kaddib dibadbaxyo ballaaran oo dalkaas hareeyay.

 

Sannadkii 2021, isaga iyo Janaraal Burhaan waxay meesha ka saareen heshiiskii ahaa in xukunka lala wadaago dadka rayidka ah,

Sannadkii 2021, isaga iyo Janaraal Burhaan waxay meesha ka saareen heshiiskii ahaa in xukunka lala wadaago dadka rayidka ah, iyagoo si buuxda gacanta ugu dhigay hoggaanka dalka.

Waxay sanadkan isku khilaafeen soo jeedinta ah in dib xukunka loogu soo celinayo rayidka, iyo afgan-waa ku saabsan goorta ciidamada RSF ee daacadda u ah Hemedti lagfu darayo milatariga Sudan kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso 100,000-Askari.

“Waxaan rajaynayaa in aan maanta helo dawlad rayid ah – ka hor intaan berri la gaarin, dowlad rayid ah oo dhamaystiran. Waa mabda’ayga,” Hemedti ayaa sidaasi BBC-da u sheegay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee hogaamiyaha RSF uu ka hadlo sida ay uga go’an tahay dimoqraadiyada, inkastoo falanqeeyayaasha ay tilmaamayaan in ciidamadiisu ay horay u geysteen tacaddiyo ka dhan ah rayidka.

Hemedti ayaa BBC-da u sheegay in ciidamadiisa RSF aysan ahayn cadawga askarta milatariga, isagoo ku macneeyay inay u dagaalamayaan sidii ay dalka uga ilaalin lahaayeen “dhaqamadii ay lahayd dowladdii 30-kii sano ee lasoo dhaafay dalka ka talineysay”.

“La dagaalami mayno, fadlan ku noqda qaybihiinna ciidan, annaguna idinla dagaalami mayno.”

Maxaa la isku hayaa?

Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga.

Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.

Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.

Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.

Beesha caalamka ayaa muddo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.

Maraykanka iyo Britain ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin dagaalka ka socda Khartuum, loona baahan yahay in xaaladda la dejiyo.