Teetalada Wararka ay Qoreen Labda Idaacdood ee Qaranimada Somaliland Cadowga ku ah, Beenalayaasha Qabiiilka ku shaqeeya

0

 

 VOA Dagaal ka socda gudaha magaalada Laascaanood

 

BBC  Is Rasaasayn Ka Bilaabantay Magalada Laascaanood

Wariyayasha ka hawlgala labadaa idacadood waxay faa,iido ka dhaliyaan been iyagoo ku ladhaya cunfi qabiil,

Laas caanood wax Rasaasa oo ka dhacaya gudaheeda ma jiraan  waxana laga  dheregsan yahay in raga duubka u xidhay inay dagaal ka ridaan degankaas ay usuuro gali wayday inay fuliyaan wixii ay xambaarsaanyeen  sida laajigeed ay isku dayayaan inay kolba  doc uga wareegaan oo ay rasaas ku  furaan ciidamada qarankana daandansadaan ,

Raga waxa ka shaqaynaya  Nina Wiil uu dhalay iyo mid ehelkiisa dhow ahi  kaga dhiman maayo ee waxa la dilayaa oo la baabi inayaa  dadka masaakiinta ah ee xaaladaha nolosha la daalaa dhacaya,

Magaalada Laas Caanood dadkii  waxay ku nool yihiin Nolol adag waxaana galiyay dhowr iyo  toban nin oo dhalinyaro ah laakiin dhaxlay saladanad garaad, Ragani   oo aan kala jeclayn  xumo iyo wanaag  , waxa kaliya ee ay ka midaysanyihiin waxa weeye in dhiiga dadka  la biishado Afarta jihana lookala shaqo tago oo aan wax udana umada ay magaceeda matalaan u qaban, Horta Anigu waxaan ahay nin xog ogaal u ah waxa ka taagan magaalda laas caanood oo aan udhshay hadii kurka la i jaryona waan sheegayaa waxa taagan iminka,

magalada intii Ragan bahda dhaqanka dhulbahnte yimaadeen waxaa magalada caadi ka noqday Doroogadii oo dhan sida khamriga iyo Xashiishada, Fusiqii oo guryihii magaalada ee laga qaxiyay dadkoodii  rag iyo Dumarba  lagu cunaayo JAAD sidoo kalena waxaa  iska dhacaysa xabada oo dhalinyardii qori  wada sitaan , markaa ma sidaasaa  sax ah waar illaahay ka baqa  oo Nbada  ilaliya  hadii nabad la waayo nololi jiri mayso dadkii magaalada waxaa laga dhigay Qaxooti,

Ismaaciil yuusuf cige