Hoobiyayaal lagu weeraray madaxtooyada Villa Soomaaliya

0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhowr hoobiye ay ku dhaceen xeendaabka madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in ilaa 6 hoobiye ay maqleen kuwaasi oo qaarkood ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada, halka qaar kalana ay ku dhaceen xaafado ka ag-dhaw madaxtooyada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ay jiraa dad ku dhaawacmay hoobiyayaashaasi, balse aan wali la hayn wax faahfaahin ah.