Muuqaal laga soo duubay dhagax ‘mucjiso ah’ oo dab koronto ah dhalinaya

0

Muuqaallo laga soo duubay dhagaxyo lagu sheegay in ay dhalinayaan koronto ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, iyadoo ay daawadeen malaayiin qof oo ku kala sugan Afrika iyo meelo kale.

Dhagaxyada sida dabiiciga ah korontada u soo saaraya ayeey dadka arkay ku tilmaameen wax aan la garan Karin sababtooda “oo mucjiso ah”.

Mid ka mid ah dhagaxyada ayaa u muuqda in uu kicinayo dab koronto oo ka dhex holcaya labo dhagax dhexdood, kaasoo la arkayo marka la taabsiiyo iyadoo aan xitaa lagu xoqeyn.

Qof Twitter-ka soo geliyay muuqaal laga soo duubay dhacdadan ayaa ku soo qoray “Dhagaxyo koronto leh ayaa laga helay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo”.

Bashir Khamis
@Bashirkhamis

Follow

Electrically charged stones discovered in the Democratic Republic of Congo, now more bleeding is coming to Africa. The @UN must find a reason for sending hoax peace keepers, as if God created minerals in Africa for them to exploit. Wake up Africa. @East_DRcongo @HajjiKaliisa

Muuqaalkan ayaa noqday mid si aad ah loo faafiyay ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ganacsade u dhashay dalka Koonfur Afrika oo ay ku taxan yihiin dad ka badan 800,000.

 

Ganacsadahan ayaa muuqaalka kusoo dul qoray: “Hadda waxaa soo socda dhib kale, ooya dadkeyga Afrika ee aan jeclahayoow”.

Daniel Marven
@danielmarven

Follow

Electrically charged stones discovered in the Democratic republic of Congo, now more trouble coming, cry my beloved Africa.

Qof kale oo isticmaala Twitter-ka ayaa qoraal fal celin ah ku qoray muuqaal uu soo geliyay qof kale oo isku dayay in uu nal ku shido korontada ka dhalaneysay dhagaxa, isagoo fiilooyin ku taabanayay.

Ganacsade Marven ayaa sidoo kale dhowr saacadood ka dib Twitter-ka soo geliyay muuqaal kale oo ay daawadeen in ka badan 1 milyan oo qof.

Labada muuqaalka waxaa sii qaatay bog caan ah oo ay Twitter-ka ku leedahay shirkad keydisa dhacdooyinka Afrika. Mid ka mid ah muuqaalladaas ayaa la daawaday wax ka badan 35 milyan oo jeer.

Balse dhagaxyadan ayaa laga yaabaa in aysan ahayn sida ay u muuqdaan. Baaritaan lagu sameeyay sawirrada oo loo adeegsaday habka dib u celinta ayaa lagu ogaaday in muuqaallada uu soo bandhigay Marven midkood uu markii ugu horreysay kasoo muuqday bogga Facebook ee Jaamacadda Mohamed First University oo ku taalla magaalada Oudja ee dalka Morocco.

Qoraalka la soo raaciyay muuqaalkaas ayaa lagu soo koobay erayga “Lithium!!?” oo ah eray loo adeegsado magacyada kiimikooyinka, wax kale oo faahfaahin ahna lama raacin.

BBC-da ayaa xiriir la sameysay Jaamacadda balse wax jawaab ah lagama helin.

Su’aasha muhiimka ah waa in dhagaxyada muuqaalka laga arkay ay awood u leeyihiin keydinta iyo soo saarista koronto dhab ah.

Dr Ikenna Okonkwo oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga dhagaxyada oo wax ka dhiga Jaamacadda Nigeria ayaa sheegay in arrintaas aysan suurtagal noqon karin.

“Dhagaxu wuxuu u muuqdaa in uu yahay nooca “zinc” ama “lead ore” mana laha dabeecadahaas.

Waxa uu sheegay in aysan awood u yeelan Karin inay daaraan iftiinka nalalka.

Dr Okonkwo ayaa xaaladda jahwareerka ah ee ka dhalatay dhagaxyadan ku tilmaamay “nooc ka mid ah indho sarcaad-ka”.