Shirkii Jig Jiga qorshihiisii wuxuu ka fulay Laascaanood,

0

Maqalaay warlaay malaguu waramay,

Hargeysa{Biyoguure News}Shirkii dhawaanta ka dhacay magaalada jigjiga wuxuu ahaa mid lagasoo qorsheeyay debada ama qurbaha  oo ujeedadiisu ahayd in lagu wax yeeleeyo jamhuuriyada somaliland, waxaana kaabayaal u ahaa  maamulka butland iyo cadowga is qariya ee ka xun qadiyada somaliland iyo horumarka ay samaysay, Dagaalkan qaawan ee lagusoo qaaday Somaliland wuxuu daba socdaa  markii dhawaanta madaxwaynaha maraykanku saxeexay xeerka Amniga ee iskaashiga  USA iyo Somaliland, Sidaynu la socono wiigii tagay Naagta isirkeedu kasoo jeedo majeerteeniya  Ilhaan Cumar waxay booqatay Garoowe iyo Xamar qorshaheeduna wuxuu ahaa sidii somaliland hagrdaamooyin loogu gaysan lahaa  caalamakana loo tusi lahaa in aan somaliland Nabad galyo ka jirin,Ta labaad waxaan la ognahay in shirkada caalamiga ah ee Genel Energy aay ku guulaystay sahamintii shidaalka oo ay waday mudo 10 sano ah iminkana aay daboolka ka qaaday in daloolin doonto Ceelkii ugu horeeyay ee shidal ah ee laga qodo jamhuuriyada soamliland, dhaqaalaha soo kordhaya laftigiisa dagaal kani waa ka qayb waxse iga yaabiyay oo dadka Aqoonta lihi is waydiinayaan maxa isku  beegay booqshadii madaxwayne Geele iyo warqadii xasan sheekh ee ahayd faro galinta Ceelasha shidaalka ee ku yaal somaliland, Fiishii ayay tidha soomalidu,

Shirqoolada loo maleegayo jamhuuriyada somaliland way badan yihiin oo xataa waxaa ka mida qaar siyaasyiin somaliland u dhashay been abuur ku samaynayaan siyaasada iyo nabad galyada dalka iyagoo shaqsi nacayb dartii ku kacaya qaran dumisnimo qaawan sababta aan taa uleeyahay waxa weeye Ninka warbaahinta lasoo istaagaya Xasuuq ayaa ka dhacay laas caanood soo ka mid maaha Cadowga somliland,

Xasuusin waxaa iga ah dalkan jamhuuriyada somaliland mar buu god ku dhacay mar labaad ma dhacayso in Xin iyo xaasidnimo umad dhan dalkooda iyo masiirkooda la cuno,