Kadib Xayiraadii Sucuudigu ka qaday xoolaha soomaalida Markabkii kowaad oo ka baxay Berbera

0

Berbera[Biyoguure News}Kadib markii dalka Sucuudigu uu dhawaan xayiraadii ka qaday xoolaha soomaalida ayaa habeenkii xalay ahaa marbakii kowaad ee xoolo u qadaa  sucuudiga uu ka shiraaqday Dekada Berbera ,Markab kan oo magaciisu yahay MV ABU YASR 2 ayaa qaaday xoolo dhan 972 Geela iyo lix kun oo neef oo Adhi ah, Xoolahan ayaa lagu dhakhtariyay caafimaadkoodana lagu sii hubiyay Macajarka DEERO ee Magalada berbera ku yaal oo ah mid leh laab casri ah oo lagu baadho caafimaadka xoolaha, shahaadadiisuna laga aqoonsan yahay hay,ada caalamiga ah FAO ,

 

Dalka Sucuudiga ayaa ah suuqa ugu wayn ee xoolaha soomalida khaasatan wanka madaxa Madow oo caan ka ah saylaha khaliijka waxaana loo yaqaana Berberaawi, Geela aya ah Qaniimada labaad ee loo dhoofsho suuqyada sucuudiga, Dabcana Wxaa Xussu mudan LOda oo dalka sucuudigu mamnuucay  in looga iib geeyo dhulka soomalidu degto ayaa ku xusan ruqsadan udanbaysay ee fasaxaaada ahayd, Inkastoo si aan toos ahayn ay ku tagi jirtay lana marin jiray ama marka hore loo dhoofin jiray wadmada Yemen iyo Cumaan kadibna loosii iib gayn jiray sucuudiga,

Dhanka Kalena Dekada Berbera aya camiran iyadoo ay iskusoo gaadheen Labo Markab oo u Raran Hay,ada WFP  Raashinkan ayaana lagu wada dalka Ethiopia waxaay Sidaan 55 kun oo Mitrig Ton, Tan iyo Intii shirkada DP WORLD la Wareegta dekada berbera waxa kor ukacay dhaqdhaqaaeeda iyadoo maareeyaha guud ee dekadaha somaliland Siciid Xasn Cabdilahi isna kor uqaaday Maamul iyo Adeegba wixii kusoo aday xukuumad ahaan,