Nin labadiisa Shabeel oo uu ballan hore ka qaaday uga cararay dagaalka Ukraine dhexdiisa

0

Dhakhaatar u dhashay dalka Hindiya oo muddo bilo ah ku dhex-jiray guri dabaq ah oo ku yaallay dalka Ukraine oo ay dagaalladu aafeeyeen isaga iyo laba shabeel ee uu haystay ayaa sheegay in Ukraine uga soo tagay labadii shabeel.

 

Ka dib markii uu dagaalku bilowday horaantii sanadkan, digtoor Gidikumar Patil, oo aan guursan, ayaa ballan qaaday in aanu ka bixi doonin gurigiisa isaga oo aysan la socon xayawaankiisa.

Waxa uu ah dhakhtar dhanka lafaha oo ka shaqeeynayay isbitaal ku yaalla Svavtove, oo ah magaalo yar oo hoos timaadda magaalada Severodonetsk, oo ku taal gobolka Luhansk ee bariga Ukraine.

Mr Patil, oo 42 jir ah, haystana dhalashada Ukraine tan iyo 2016, ayaa labada shabeel ka soo iibsaday beerta xayawaanka ee ku taal caasimadda Kyiv, ku dhawaad ​​laba sano ka hor.

Labada shabeel kan labka ah waxaa la yirahdaa “lepjag” waana 2 sano jir ah, halka kan dheddigga ahna uu 14 bilood jir yahay.

Labo todobaad ka hor, Mr Patil lacagtii oo dhan ayaa ka dhammaatay wuxuuna u gudbay Poland si uu u helo nolol maalmeedka iyo quudinta shabeelka.

Cisbitaalkii uu ka shaqaynayay ayaa la xiray bilwogii dagaalka, waxaana hadda lagu burburiyay weerar bambaanooyin ah, iyadoo ciidamada Ukraine ay guulo degdeg ah gaareen, isla markaana ay dib u qabsadeen dhul ka tirsan gobolka Ruushku qabsaday.

Hadda Mr Patil waxa ay isaga iyo dad kale oo qaxooti oo reer Ukraine ah ku nool yahihiin guri ku yaala magaalada Warsaw, isaga oo doonaya in uu nolol maalmeedkiisa ka raadiyo isagoo  ka werwersan aayaha labadiisa shabeel..

Waxa uu sheegay in sababo la xiriira internetka magaalada Svavtove uu hakiyay ka warqabkii shabeelka, oo uu markii maalin walba la socday xaaladooda isaga oo wacayay beeraley degaanka ah oo daryeelayay.

Qofkii dhaqaaleynayay ee aan kaga soo tagay ayaa ii sheegay in labadayda shabeel ay aad ii tabeen, wuxuu ii sheegay in dhabeelka labka ee “lepjag” uusan si fiican wax u cunin ku dhowaad muddo toddobaad ah. Halka kan kala uu jah-wareersan yahay, “ayuu Mr Patil ugu sheegay BBC isagoo ku sugan Warsaw.

Mr Patil ayaa sheegay in lagu qasbay in uu ka tago gurigiisa Ukraine isagoo wata boorso uu ku sito dharkiisa, $100 iyo dhowr kun oo rubi.

Waxa uu dib u isticmaalay dhammaan kaydkiisii, oo waxa uu ku iibiyay qayb ka mid ah dhulkii beertiisa, laba guri, laba baabuur, mooto iyo kamarad, kuwaas oo ku dhawaaq u dhigma 1000 doolar.

Subaxdii dambe, way i fasaxeen. Waxa ay iga qaadeen baasaboorka, waxa ayna I siiyeen warqad aqoonsi ah, ayuu yiri Mr Patil.

Waxay ku dejiyeen meel u dhow xudduudda Poland, halkaas oo uu ka soo gudbay isaga oo siiyay macluumaadkiisa una sheegay saraakiisha xuduudaha sheekadiisa.

Mas’uuliyiinta Poland waxay siiyeen “fiise warqad ah” kaasoo u oggolaanaya inuu dalka joogo muddo 90 maalmood ah. Dabadeed habeenimadii waxa uu raacay bas u socday magaalada Warsaw.

Hadda, iyadoo xaaladda magaaladiisa ay ka sii darayso, Mr Patil wuxuu sheegay inuusan waxba kala socon goorta uu awoodi doono inuu ku laabto labadiisa shabaleel. Qoyskiisa ayaa lacag uga soo diraya gobolka koonfurta Hindiya ku yaalla ee Andhra Pradesh, oo ah halkii uu ku dhashay.

Ka dib markii uu soo raacay bas yar oo muddo 12 saacadood ah si gaabis ah u dhex maray goob dagaal ayaa markii la marayay xadka, ayay askrat Ruushka ka soo dajiyeen gaariga ka dibna waxaa lagu dhex tuuray qol dhulka hoostiisa ku yaalla muddo saddex maalmood ah si su’aalo loo waydiiyo, ayuu Mr Patil sheegay.

“Baskii baa la iga soo saaray, indhaha ayaa la iga xiray, waxaana la i geeyay qol yar oo dhulka hoostiisa ah, markaas ayay maraq iyo rooti isiiyeen oo ay su’aalo igu weydiiyeen, waxay fiiriyeen warqadahayga aqoonsiga, maadaama Kyiv lagu sameeyay, waxay ka shakiyeen inaan basaas ahay,oo aan macluumaad u gudbinaya militariga Ukraine.”

Mr Giri waxa uu sheegay in askarta Ruushka uu u sheegay in aanu dagaalka dhinacna ka gelin, oo uu  maamulay YouTube ay ku dhowaad 60,000 oo  taageero u ah isaga labadiisa shabeel ku xiran yihiin. ,

Waxa uu sheegay in uu gurigiisa ku go’doonsanaa isaga iyo xawaankiisa. “Waxaan tusay muuqaaladeyda iyo kanaalkayga YouTube,” ayuu yiri.

“Ka dib habeenkii saddexaad oo aan xirnahay, waxaa ii yimid sarkaal Ruush ah, wuxuuna ii sheegay in xaaskiisa ay daawatay muuqaaladeyda, waxayna u sheegtay in aanan cid ka tirsanayn oo aan ahay  nin  xayawaanka jecel, ka dibna waxa uu igu yiri, “Caawa si fiican u seexo”.