Laba qarax oo is-xigxiga oo gilgilay magaalada Beledweyne

0

Laba qarax oo is-xigxiga ayaa maanta gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka socdo abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

 

Goobjoogayaal ayaa u sheegay weriyaha VOA in qaraxyada loo adeegsaday baabuur, lalana beegsaday xarunta Lamagalaay oo fadhiisin u ah madaxda maamulka HirShabelle iyo kuwa gobolka.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayey gaysteen qaraxyadan oo ka dhacay Bariga magaalada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

Beledweyne waxay xuddun u ahayd abaabulka dadka degaanka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ciidanka dawladda iyo maleeshiyaadka degaankaas tuulooyin badan uga qabsadeen Al-Shabaab.

Qaraxyada ayaa imanaya saacado kadib markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa saraakiisha u sareaysa Al-Shabaab, Maraykankuna uu madaxiisa saaray 3 milyan oo doollar.

Maraykanka kama hadal weli inay ka qaybgaleen hawlgalka ka dhacay Xaramka October 1-deedii.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaan xaqiijin islamarkaana beenin in la beegsaday Cabdullaahi Nadiir oo sidoo kale loo yaqaan Cabdullaahi Yare.