Qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo ku dagaalamaya Itoobiya

0

Wararka ka imaanaya degmada Guri-dhaamoole ee gooblka Liiban ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal ka socdo.

 

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa qawmiydaha Soomaalida iyo Oromada oo halkaa wada dega, iyadoo wali ay go’antahay isgaarsiintii degmadaasi.

Sida ay sheegayaan dadka deegaankaasi, ayaa shalay waxaa la gubay guryo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay barakac.

Hase yeeshee faah-faahinta sida wax u dhaceen way adag tahay in la helo, maadaama isgaarsiintu ay go’an tahay.

Waxaa xusid mudan in dhanka kale ee Oromada aan isku daynay in aan la xiriirno, si arrintaan wax uga waydiinno ee dagaalka socda, hase yeeshee ma aanay noo suura galin inaan helno.