Garoon kubada cagta ah oo 170 qof ku dhinteen markii ciyaartu dhamaatay

0

In ka badan 170 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla dalka Indonesia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Waxay saraakiisha ku tilmaameen dhacdadan masiibadii ugu ba’neyd ee ka dhacdo garoon kubadda cagta ah caalamka.

 

Isbuurashada ayaa dhacday markii ay booliska sunta dadka ka ilimeysiisa ku rideen dad dhigayay dibadbaxyo markii dambe isku baddalay rabshado.

Ku dhawaad 180 qof ayaa ku dhaawacmay isbuurashada kadib markii kooxda kubadda cagta Persebaya Surabaya ay ka adkaatay kooxda kale ee tartanka adag uu kala dhexeeyo ee Arema FC.

Wasiirka amniga ee dalka Indonesia ayaa sheegay in tirada dadka ciyaarta daawaneysay ay kor u dhaafeen 4,000 oo qof, tiradaas oo ka badneyd inta loogu talagalay garoonka.

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa amar ku bixiyay in dhamaan ciyaaraha horyaalka Indonesia la joojiyo ilaa inta baaritaan looga sameynayo masiibadan.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay taageerayaasha oo ku kala orddaya gudaha garoonka kadib markii la yeeriyay seeriga.

Booliska ayaa markii dambe sunta dadka ka ilimeysiisa ku riday taageerayaasha taasoo keentay in dad badan ay isbuurtaan arrintaas oo horseeday kiisas neef qabatin ah, ayuu yiri Nico Afinta, oo ah taliyaha booliska ee degmada East Java. “Xaaladda faraha ayay ka baxday, dadka waxay bilaabeen inay weeraraan askarta, waxay waxyeello u geysteen baabuurta” ayuu yiri taliyaha booliska ee degmada East Java. Wuxuu intaa ku daray in labo askari ay ku dhinteen isbuurashada. “Dhammaantood dadka qaska ma aysan wadin ilaa 3,000 qof ayaa gudaha usoo galay garoonka”.

 

Muuqaalo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya taageereyaasha oo ku xoomaya xayndaabyada garoonka si ay u baxsadaan. halka muuqaallo lagu arkayay wax u muuqday meydadka dadka oo goobta daadsan.

Xiriirka kubadda cagta adduunka ee Fifa ayaa sheegay in aanay aheyn in booliska ku sugnaa garoonka inay adeegsadaan sunta dadka ka ilimeysiisa.

Xiriirka Kubadda Cagta Indonesia ee PSSI ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan, iyagoo intaa ku daray in dhacdadani ay “sumcad darro u horseeday kubadda cagta Indonesia”.

Kuma cusbo Indonesia rabshadaha ka dhaca garoomada kubadda cagta, kooxaha Arema FC iyo Persebaya Surabaya, waxaa in muddo ah ka dhexeeyay xifaaltan. Taageerayaasha kooxda Persebaya Surabaya ayaa laga mamnuucay inay iibsadaan tigidhada ciyaarta sababtoo ah cabsi laga qabo inay isku dhacaan taageerayaasha kale.

Balse wasiirka amniga Mahfud MD ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay in taageerayaasha laga iibiyay 42,000 tikidh ah kuwaasoo galay gudaha garoonka Kanjuruhan stadium, oo loogu talagalay in uu qaado oo kaliya ah 38,000 qof.

Madaxweyne Joko Widodo ayaa ku baaqay in dhacdadan ay noqoto ‘masiibadii ugu dambeysay ee kubadda cagta ee ka dhacdo dalkiisa.

Wuxuu amray in la joojiyo tartanka Liga 1 tan iyo inta laga gabagabeynayo baaritaanka dhacdadan.

Waa masiibadii ugu dambeysay uguna ba’neyd ee ka dhacdo garoonka kubadda cagta ah oo ku yaalla caalamka.

Sanadkii 1964-tii, 320 qof ayaa ku dhimatay halka 1,000 qof ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday tartankii isreebreebka olimbikada ee u dhexeeyay Peru iyo Argentina.

Gudaha UK, 97 kamid ah taageerayaasha kooxda Liverpool ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoonka Hillsborough ee ku yaalla Sheffield sanadkii 1989-kii.