Shan faa’ido oo laga helo cunista Yaanyada

0

Yaanyadu waxay ka mid tahay khudaarta sida weyn loo cuno oo cunnooyinka lagu darsado sida basbaaska iyo baradhada.

Yaanyadu waxay leedahay noocyo kala duwan xagga muuqaalka mid waaweyn oo wareeg siman, mid dhuuban oo qaabka ukunta u taallo iyo mid aad u yaryar.

Balse waxay noocyada kala duwan ee Yaanyada ay ka siman yihiin midabka casaanka ah. Inkasta oo la helo yaanyo midabkeedu jaalla ama cagaar yahay.

Haddaba maxay yihiin shanta Faa’ido ee laga helo cunista yaanyada:

1. Caafimaadka wadnaha ayey wanaajisaa

Qofka caafimaadka qaba ee qaangaarka ah maalintii wuxuu u baahan yahay 80 garaam oo Yaanya ah cuntadiisa iney ku jirto taasoo u dhiganta 5% maaddada Potaasiyamka oo qofka jirkiisa u baahan yahay.

Qofka oo cuno cunnooyinka ay ku jirto maaddada Potaasiyamka waxay qofka ka caawineysaa inuu dhiig furan dhanka wadnaha ah uu ku dhicin iyo cudurrada kale ee wadnaha haleela intaba.

Yaanyada waxaa ku jirta maaddada Lycopene, oo yaanyada midabka cas u yeeleysa.

Daraasad badan oo lagu sameeyey maaddada Lycopene iyo faa’idooyinka qofku u leeyahay waxaa lagu ogaaday iney yareyso khataraha qofka ka soo wajahi karo cudur wadnaha kaga dhaca.

2. Indhaha ayey u wanaagsan tahay

Khudaarta yaanyada waxay ka kooban tahay maaddooyin phytochemicals la isku yiraahdo oo ay ka mid yihiin Lycopene, Lutein iyo beta-carotene.

Dhammaan maaddooyinkaasi ayaa ah kuwa waxtar weyn u leh caafimaadka Indhaha iyo badqabka aragga qofka waxayna awood u leeyihiin iney ka hortagaan cudurrada indhaha ku dhaca ee da’da la socda.

3. Caafimaadka maqaarka ayey wanaajisaa

Maaddada Carotenoids oo inta badan laga helo khudaarta cagaaran oo ay Yaanyadu ka mid tahay waxay ka hortagaan cudurrada dadka haleela.

Daraasad 2006-dii la sameeyey waxaa lagu ogaaday waxtarka ay maaddada carotenoids 10-12 toddobaad kaddib inuu waxtarka maaddadaasi hoos u dhici karo.

Balse taa micnaheedu ma aha haddii aad Yaanya badan maalintii isticmaasho iney kaaga baahnyen inaad gubto si looga hortago dhibaatada ama khatarta ka dhalan karto si la mid ah cunta walba haddii isticmaalkeedu la badiyo.

Daraasadduna waxay ku talo bixineysaa markasta oo yaanyada la kariyo waxtarkeeda caafimaad gaar ahaanna qaybta u qaabilsan ka hortagga waxyaabaha jirka halista ku ah ay kordheyso.

Yaanyadu in lagu cuno dufanka ay ka mid yihiin Saliida Seytuun, waxay gacan ka geysaneysaa iney maaddada carotenoids ay jirka si wanaagsan ula falgasho.

Sida oo kale maaddadaasi waxay wax weyn ka tartaa caafimaadka maqaarka qofka sida inuu iftiimo inuu ingeeg yeelan iwm.