Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ​​oo ku baaqay in dib loo furo iskuullada waxbarashada gabdhaha Afghanistan

0

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Taliban ayaa Talaadadii ugu baaqay dowladdiisa ragga kaliya ah ee ka jirta Afghanistan inay dib u furto dhammaan dugsiyada sare ee gabdhaha iyadoo aan dib loo dhigin, isagoo sheegay inaysan diinta Islaamku xaddidin waxbarashada haweenka.

Sher Mohammad Abbas Stanikzai, oo ah ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Taliban, ayaa baaq naadir ah ka jeediyay khudbad uu taleefishinka ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen saraakiisha sarsare ee Taliban iyo hoggaamiyeyaasha magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Tan iyo markii ay xukunka la wareegeen in ka badan sanad kahor, Taalibaan, ayaa ka mamnuucday gabdhaha marka ay dhammeeyaan fasalka lixaad inaysan kusoo laabtaan iskuullada, iyagoo ku tilmaamay tallaabadan mid ku saleysan mabaadi’da diimeed.

“Waxbarashadu waa qasab ragga iyo dumarka labadaba iyada oo aan la takoorin. Mid ka mid ah culimada diinta ee halkan jooga ma diidi karo waajibaadkan. Qofna ma bixin karo cudurdaar ku salaysan sharciga [Islaamka] ee kasoo horjeeda [xuquuqda haweenka ee waxbarashada],” ayuu yiri Stanikzai.

“Waa waajib Imaaradda Islaamiga ah inay dejiso marxalad dib loogu furayo albaabada waxbarashada dhammaan Afghanistan sida ugu dhakhsaha badan sababtoo ah dib u dhaca ayaa sii kordhinaya farqiga u dhexeeya annaga [dowladda] iyo qaranka ee arrintan gaarka ah,” ayuu ka digay Stanikzai.

Taalibaan waxay dawladeeda ugu yeertaa Imaaradda Islaamiga ah ee Afqaanistaan.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in mamnuucida waxbarashada ay ka hor istaagtay ku dhawaad hal milyan oo gabdha ah inay iska diiwaan geliyaan dugsiyada sare ee Afghanistaan.