Dhulkii Pakistan oo ay biyo fadhiyaan, iyo fatahaadaha oo saameeyey 33 milyan oo qof

0

Hay’adaha samafalka iyo masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa gurmad u fidinaya shacabka Pakistan oo ay soo foodsaareen daadadkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca muddo tobanaan sannadood ah, kuwaas oo geystey burbur saameeyey illaa 33 million oo qof, iyada oo daadadkaasi ay sababeen dhimashada ku dhowaad 1,200 oo qof, labadii bilood ee la soo dhaafay.

Wasiirka Isbedelka Cimilada Sherry Rehman ayaa sheegtay Isniintii, in saddex-meelood oo meel ka mida dalka Pakistan inay haatan biyo fadhiyaan, taasoo abuuraysa dhibaato aan la qiyaasi karayn.

Wasiirka ayaa sheegtay in haatan uu dhulkii Pakistan u muuqdo sidii badweyn oo kale oo aanay jirin meel biyaha loo saaraa, maadaama meel walba ay biyo fadhiyaan.

Maamulka Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (NDMA), oo hogaaminaya ka jawaabista, isku dubaridka qiimeynta iyo jiheynta gargaarka bini’aadanimo ee dadka ay saameeyeen daadadku, ayaa ku dhawaaqday in 72 ka mid ah 160-ka degmo ee uu dalkaasi ka kooban yahay inay haatan ka jirto masiibo ka dhalatay roobabku.

NDMA waxay xustay in ugu yaraan 1 milyan oo guri, 162 buundo ama biriij, iyo ku dhawaad 3,500 kilomitir oo waddooyin ah inay waxyeelo soo gaadhay ama ay daadadku burburiyeen.

Daadadka ayaa sidoo kale dilay in ka badan 800,000 oo xoolo ah waxayna waxyeello u geysteen beero iyo dalagyo muhiim ah.

Pakistan ayaa horey u codsatay kaalmo caalami ah si wax looga qabto fatahaadaha baaxada leh. Qaar ka mid ah dalalka, oo ay ku jiraan Shiinaha, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, ayaa horay u soo diray diyaarado xamuul ah oo sida teendhooyin, cunto, dawooyin iyo sahay kale oo gargaar ah, iyo weliba kooxo ka qayb qaata samatabixinta dadka ay daadadku saameeyeen, sida uu sheegay militariga dalka Pakistan.

Wasiirka Maaliyadda ee Pakistan, Miftah Ismail ayaa shirjaraa’id ka sheegay in khasaaraha dhaqaale ee dalka Pakistan ka soo gaadhaya daadadkani inuu gaadhayo illaa $10 bilyan oo dollar.