Magaalada ay meydadka daadsan yihiin ee naxashka kaliya laga iibsado

0

Magaalada Bamenda ee dalka Cameroon, oo mar ahaan jirtay mid sii hormaraysa ayaa ku burburtay dagaal muddo shan sano ah ka dhaxeeyay kooxda gooni u goosad doonka ah ee ku hadasha luuqadda Ingiriiska iyo militeriga dowladda ku hadasha luuqadda Faransiiska.

Bamenda hadda waxa kaliya ee lagu tilmaamo waa dhimasho. Ganacsiga kaliya ee ka socda waa kala iibsashada naxashka loogu talagalay meydadka.

Si joogto ah ayaa meel kasta oo magaalada ka mid ah loogu soo tuuraa meydadka, sida waddooyinkeeda iyo wabiyada.

Shaqaalaha dowladda hoose ayaa qaada meydadka, kaddibna u sameeya aaska dadka saboolka ah loo sameeyo.

Waa wax fiican haddiiba aad hesho aas, iskaba dhaaf in ay ku aasaan qoyskaaga ama saaxiibbadaa,” ayuu yiri nin ka shaqeeya qabuuraha, oo suuqa u tagay in uu qaado 10 naxash oo nooca raqiiska ah.

Waxaa aad u yaraaday dadkii iibsan jiray naxashyada naqshadda quruxda badan loo sameeyo ee qiimaha sare leh.

“Naxashyada lagu iibsan jiray hal malyan oo ah lacagta CFA faranc (oo u dhiganta qiyaastii $1,500, £1,270) waa la iska joojiyay samayntooda, sababtoo ah ma jiro qof awooda. Inta badan dadku waxay iibsan karaan naxashyada qiimahoodu yahay 50,000 CFA franc,” ayuu yiri ninka qabuuraha ka shaqeeya.

Aaska joogtada ah ee loo sameeyo ragga dhallinyarada ah ayaa dadka xasuusinaya dagaalkii ka dhacay gobollada Ingiriiska looga hadlo ee Cameroon oo ku yaalla dhinaca Waqooyiga-Galbeed iyo kuwa ku yaalla Koonfurta-Galbeed.

Muddo shan sano ah oo kaliya gudaheed ayuu dagaalkaas ku galaaftay nolosha tobannaan kun oo qof, halka uu dad gaaraya hal milyan oo kalena ku khasbay in ay guryahooda ka barakacaan.

Dadka cararay ayaa u qaxay dhinaca gobollada looga hadlo luuqadda Faransiiska. Dad ka badan 80,000 oo kale ayaa u qaxay waddanka deriska la ah Cameroon ee Nigeria

Xasaradda ayaa kululaatay sanadkii 2016 markii kumannaan qof oo ku sugan magaalada Bamenda iyo qaar kale oo ku hadla Ingiriiska ay isku fara-saareen dibadbaxyo looga soo horjeedo in iskuullada iyo maxkamadaha loo adeegsado af-Faransiiska iyo in aan Ingiriiska lagu soo saarin daabacaadaha dowladda, inkastoo ay tahay luqadda rasmiga ah.

Dowladdu waxay ciidankeeda ku amartay in la raafo dadka bannaanabaxaya, beddelkii ay isku dayi lahayd in ay gasho wadahadal lagu qancinayo dadka ay murugada u taallay. Dhallinyarada ayaa sanadkii xigay hub qaatay iyagoo ku dhawaaqay in Ambazonia oo ah labo gobol af-Ingiriis looga hadlo ay ka go’een dalka intii kale.

Gaadiidka gaashaaman ee milateriga oo ay ku jiraan qaar ay ku xiran yihiin qoryaha darandooriga u dhaca ayaa si joogto ah u kormeera Bamenda.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in ciidanku ay weeraraan guryaha oo dadka ay xiraan, suuqyada ay gubaan oo xitaa ay soo bandhigaan meydadka dhibbaneyaasha oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha maleeshiyaadka, iyagoo uga dan leh in ay dadka uga digaan ku biirista kooxaha goonni-goosadka ah.

Ciidanka dowladda ayuu khasaare xooggan ka soo gaaray qalalaasaha. Khamiis iyo Jimco kasta waxaa dhismaha meydadka lagu sii hayo ee milaterigu uu ku leeyahay magaalada Yaoundé ee caasimadda ah laga saaraa meydadka askarta.