Haweeneyda madow ee dooneysa inay meesha ka saarto Ilhaan Cumar

0

Cicely Davis waxay ka tirsan tahay xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, waxaana loo arkaa haweeneyda sida weyn loolanka ugu jirta inay ku guuleysato doorashada xilligga dhexe ee Mareykanka gaar ahaan kursiga degmada shanaad ee aqalka koongareeska ee Minnesota, waxay la tartami doontaa Ilhaan Cumar oo haatan ku fadhida kursigan kana tirsan golaha koongareeska.

Waxay qoyskeeda kasoo jeedaan deegaanka Rochester ee New York, waxay kusoo barbaartay Minnesota, waxay dooneysaa inay meesha ka saarto Ilhaan Cumar.

Waxay kamid aheyd dadkii ka hadlay dhibaatadii dabka ee saameeyay suuqa Waaheen ee Hargeysa isla markaana waxay ka qeybgashay munaasabad gurmad loogu fidinayay dadkii ku hanti belay suuqaas.

Cicely waxay jamaacadda shahaadada koowaad ka qaadatay Minnesota School of Business iyadoo ku takhasustay culuumta maareynta arrimaha caafimaadka.

Waxay shahaadada labaad ka qaadatay jaamacadda Liberty sanadkii 2016-kii.

Cicely Davis, waxay bilowday inay dhaqaale u raadiso ololaheeda doorashada, sida ay ku warrameyso warbaahinta Minnpost oo soo xiganeyso warbixinta guddiga doorashada.

“Cicely waxay uruursatay $2 malyan oo doolar xilli ay waddo isku dayga ay meesha uga saareyso xildhibaan Ilhaan Cumar”

Waxay sheegtay inay ka shaqeyn doonto midnimada iyo taageeridda siyaasad kasta oo waxtar u leh bulshada.

Doorashada November ka dhaceysa Mareykanka ayaa ah mid si weyn ay ugu loolamayaan xisbiyada jamhuuriga iyo dimuqraadiga.

Ilhaan Cumar waxay horraantii sanadkan sheegtay inay mar kale u tartameyso doorashada degmada shanaad ee gobolka Minnesota.

Waxaa laga dhowr sugayaa in  xisbigeeda dimuqraadiga uu Ilhaan usoo xusho inay mar kale u tartanto kursigaas.

Dhaleeceyta Ilhaan Cumar

Gabadhan oo dhawaan wareysi siineysay wargeyska Daily Mail ayaa Ilhaan Cumar ku eedeysay in aysan waxbo u qaban dadkii soo doortay isla markaana aysan kasoo bixin shaqadeeda.

Waxay intaa ku dartay in Ilhaan Cumar ay u ololaneyso sidii ay caan ku noqon laheyd baddalkii ay horumarka ka shaqeyn laheyd.

Cicely Davis ayaa ka hadleysay kadib markii ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka la xiray xilli ay ka qeyb galayeen mudaaharaad ay ku taageerayeen xuquuqda ilmo iska soo rididda kaasi oo ka dhacay Washington DC. Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahaa dadka lagu xiray xilli ay dibadbax ka dhigayeen meel u dhaw Maxkamadda Sare.

Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay ayay Ilhaan ku xaqiijisay xarigeeda.”Maanta waxa la i xiray aniga oo ka qayb qaadanaya dibadbax shacab, waxaa la xiray aniga iyo xubnaha kale ee Congress-ka ka tirsan meel ka baxsan Maxkamadda Sare,” ayay Ilhaan ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda Tweerar .

Ilhan Cumar ayaa dib loogu soo doortay Koongareeska iyadoo ku soo baxday doorashadii Mareykanka ka dhacday 2020-ka ee degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii.

Ilhaan Cumar oo 39 sano jir ah ayaa taariikh sameysay kaddib markii ay 2018-kii noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Mareykanka.

Qoyskeeda ayaa markii hore yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xildhibaan ka noqoto Kongreska iyadoo xiran xijaab.