Atariisho iyadoo filim jilaysa dhimasho ka badbaadday markii dambena dhashay atoore caan ah

0

Markii uu jilaagii caanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Dilip Kumar ka baxay heshiiska jilista filimkii “Mother India”, waxaa khasab noqotay in atoore kale la raadiyo.

Balse dhinaca doorka dumarka waxaa diyaar u ahayd ee la oran jiray Nargis, balse magaceeda dhalsahada uu ahaa Fatima Rashid.

Agaasimihii hagayay filimkaas, Mehboob Kahan, waxa uu dadaal dheer kaddib lasoo heshiiyay Sunil Dutt, si uu atoore uga noqdo filimkiisa, oo soo baxay 1957-kii.

Sunil Dutt waxa uu mar ahaan jiray wariye barnaamijka raadiyaha ku martigeliya jilayaasha filimada.

Hal mar oo keliya ayay horay isu arkeen isaga iyo atariishada filimkan, Nargis, xilligaas oo uu wareysanayay.

Shan sano kaddib markii uu waraysigaas dhacay shan sano inay isguursadaan ayaa qornayd.

Laakiin qiso cajiib ah ayaa sabab u noqotay inay isjeclaadaan ugu dambayntiina reer yagleenaan.

Mehboob waxa uu mar walba ku dadaali jiray in jilayaasha ka shaqaynaya filimadiisa ay saaxiibtinnimo fiican yeeshaan, si loo jeclaado howshiisa.

Inta badan filimadiisa waxa uu ku duubi jiray bannaanka si ay jilayaasha waqti dheeri ah ugu helaan inay sheekeystaan marka lasii socdo.

Nargis inta ay duubista filimkan socotay waxa ay waqti fiican la qaadatay labada atoore ee filimka ku wehlinayay, oo kala ahaa Sunil Dutt iyo Rajendra Kumar.

Agaasime Mehboob waxa uu filim duubihiisii la oran jiray Fardeen Irani ku amray in muuqaallada qaar lagu duubo deegaannada ay fatahaadaha ka dhacayeen, gaar ahaan gobolka Uttar Pradesh.

Inta badan filimka “Mother India” waxaa lagu duubay gobollada Maharashtra iyo Gujarat.

Filimka oo ay duubistiisa si habsami leh u socoto ayay dhacday arrintii sababtay inay isu soo dhawaadaan Nargis iyo Sunil Dutt.

 

Qorshaha filimka waxaa ku jirtay in lagu soo daro qayb uu dab ku jiro. Muuqaalka dabka ee caanka noqday waxaa lagu samaynayay Gujarat.

Waxyar oo caws ah ayaa la rabay dab la qabadsiiyo si Sunil Dutt, oo isqarinayay, uu ugu khasbanaado inuu soo baxo isagoo ka baqaya dabka.

Qoraaga TJS George ayaa buug uu uga sheekeynayay dhacdadan ku qoray: “Nargis oo u ordaysay si ay u damiso dabka ayay dabayshii dhinaca kale isu rogtay, si lama filaan ah ayuuna dabkii u waynaaday, ilaa heer ay ku dhex xanniban tahay gudaha.

“Islamarkii uu Sunil arkay sida ay xaaladdu noqotay wuxuu ku dhex orday holicii oo uu dhex qaaday, waxa uuna bannaanka usoo bixiyay Nargis, oo uu ka badbaadiyay dabka ay halis ugu gashay inay ku dhimato.

“Sunil Dutt wuxuu dhaawac gubasho ah kasoo gaaray dabka, maadaama uu holaca dhex galay.”

Arrintaas waxay sababtay in Nagris ay jacayl xad dhaaf ah u qaaddo Sunil, halkaasna waxaa ka billowday xiriir qota dheer oo labadooda qalbi u dhaxeeya.

Goor dambe Nargis waxa ay xusuus qorkeeda ku tiri: “Markii isbitaalka nala geeyay waxaa nalagu duray cirbado xanuun baabi’iye iyo hurdo ku jirto. Mar kasta oo uu qof ii imaado waxaan waydiinayay hal su’aal, oo ahayd, ‘siduu yahay Sunil?’.

Markii ay soo roonaatay waxay u wareegtay qaybta uu isbitaalka ka jiifay Sunil, halkaas oo ay ku xannaanaynaysay.

Jilayaashan ayaa ugu dambayn ku guulaystay in ay aqal galaan, carruurta ay isu dhaleenna waxaa ka mid ah atooraha caanka ah ee markii dmabe wacdaraha ka dhigay Bollywood-ka, Sanjay Dutt.

Atoorahan ay waalidiintiisa labaduba jilayaasha ahaayeen – oo dhashay 29-kii bishii July ee sanadkii 1959-kii – ayaa ka mid ah xiddigaha ugu waawayn Bollywood-ka, waxa uuna jilay ilaa 187 filim.